Xoghayaha guud ee Golaha Ammaanka Qaranka Iran Cali Shamkhani Oo xaqiijiyay In ay Sii Wadayaan joogitaankooda Suuriya

Joogitaanka Iran ee Suuriya ayaa sii socon doona ilaa iyo inta ay argagixisadu u hanjabayaan amniga Syria iyo inta ay xukuumadda Suuriya ka codsanayso joogitaankooda , sidaa waxa yidhi xoghayaha guud ee Golaha Ammaanka Qaranka Iran Cali Shamkhani.

Shamkhani wuxuu ku qeexay istraatijiyadda Iran mid sugan oo aan aqoon is-bedbedelka mana aha oo kaliya mid khusaysa Syria, laakiin sidoo kale waay khusaysaa difaaca Falastiin.

Shamkhani waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasadda Iiraan ay doonayso in ay xaqiijiso xasiloonida ayna gobolka ka dhigto mid xor ka ah burburka,gardarrada iyo in ay gacan ka geysato abuuritaanka nabadda, xasiloonida, amniga iyo caawinta horumarka , barwaaqada wadamada gobolka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Iran ayaa intaa ku daray , Iiraaniyiintu ayaa marti u ah dawladda Suuriya, xukuumadduna waxay dareemeysaa masuuliyad iyaga ah oo ah lataliyayaal militari sida ay ugu kalsoon yihiin weerarka ay ku wadaan waddankooda argagixisada iyo taageerayaashooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso