Markii ugu horeysay Oo la Arkay Ciyaaryaan Salah ka dib dhaawacii Soo Gaadhay

ESPN ayaa daabacaday fiidiyoow muujinaya Ciyaaryahanka Masriga ah ee Mohamed Salah markii ugu horeysay ka dib markii dhaawac uu ka soo gaadhay kulankii Champions League ee ay la dheelayeen Real Madrid.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira fiidiyowga isagoo gacanta ka dhaawacan markii uu ka soo baxayay garoonka NK Olympic Stadium ee caasimada Ukraine ee Kiev.

Geesta kale Kuuga reer Turkiga Nusrat ayaa daabacay sawir uu ka qaaday soona dhigay bartiisa shabakada bulshada ee “Instgram” ka dib markii uu la kulmay Salah ciyaarta ka dib.

Xiddiga reer Masar ayaa ka dhaawacmay garabka bidix, ka dib markii uu soo farageliyay Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos.

Naadiga Liverpool ayaa sheegtay in Salah uu garab ka dhaawacmay islamarkaana waxa shaki la geliyey inuu ka qeybgali karo Koobka Aduunka ee Ruushka Sannada 2018.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso