Waxaynu ku soo qaadan doona qodobka deeqsinimada iyo wax-bixinta.

Maqaalka qormadan oo noqon doona maqaalka ugu dambeeya qormooyinka aynu wadaagi doono bishan Barakaysan. Waxaynu ku soo qaadan doona qodobka deeqsinimada iyo wax-bixinta.
6.A.DEEQSINIMADA
Ugu horeyn fadliga ay leedahay wax-bixinta iyo deeqsinimada waxaynu ka tilmaami doonaa in Rasuulku SCW uu ahaa dadka ka ugu deeqsi-san , kana deeqsi-sana dabaysha kheyrka wada. Xadiiskan oo laga yaabo inaynu maqalnay marka ay culimadu ka hadlayaan fadliga bisha Ramaddan iyo sida Rasuulku SCW deeqsi-nimadiisu ugu badnayd bishan barakaysan.
Saxaabiga warinaya xadiiska waxa uu yidhi : Rasuulku SCW waxa uu ka deeqsi-sanaa dabaysha oo ka mid waxyaabaha ALLE uu abuuray kuwa ugu dheereeya. Taas oo ay culimadu yidhaahdeen waxa uu ina tusayay saxaabigaasi sida uu rasuulku ugu dedaali jiray deeq-sinimada iyo wax-bixinta.
Culimada islaamku marka ay ka hadlayaan deeqsi-nimada iyo wax-bixintu kuma koobaan lacagta oo kaliya. Dhinac kale haddaynu ka eegno qof kasta oo lacag haystaa deeqsi- maaha. Sidoo kale waxay sheegaan habab kale oo qofku deeqsi ku noqon karo. Taas oo aynu ka arki karno fudayd-ka shareecada iyo in qof-kastaa uu fursad u haysto inuu ka mid noqdo kuwa deeqsi-yiinta ah. Walibana sabab u noqonaysa inuu iska ilaaliyo xanuun aad looga deyriyay Quraanka iyo sunnada oo ah bakhayl-nimada.

Noocyada deeq-sinimada ee aynu soo qaadan doono waxa ka mid ah:
Deeqsinimada aqoonta.
Aqoontu waa shay aad u qiimo badan. Sidaas darteed inaad noqoto qof aqoon bara bulshada bishan waa mid kaa dhigaysa deeqsi.
Ciwaankan oo ah mid ay isticmaali karaan dadka fahmay qiimaha uu leeyahay faafinta cilmigu iyo dadka aan ALLE ugu darin cilmigooda lacag.
Siyaabaha aynu u isticmaali karno ayaa ah in aynu aqoonteena bulshada la wadaagno inaga oo aan addunyo kaga doonayn bishan barakaysan. Tusaale ahaan qof baa aqoontiisa dadka lacag ku bari jiray. Laakinse bishan waa inuu isaga oo ALLE abaal-gud ka rajaynaya uu bilaash ku baraa.

Deeqsi-nimada xilka
Waxa jira dadka qaar oo ALLE ku manaystay xilal kala duwan. Xilal-kaas kala duwan ee noqon kara qaar dawladeed , maxkamadeed , IWM. Waa in qof-ka bulshada xil u haya uu ugu faa’idaysto bishan iyo xilli-kastaba inuu ku caawiyo. Siyaabaha uu ku caawin karo waxa ka mid ah inuu wakhti dheeraad ah shaqeeyo , in ay si fudud oo isku mid ah ula kulami karaan shariif-ka iyo ka mis-kiin-kii. Sidoo kale haddi uu xafiis maamulo , in uu dadka ka hooseeya ku caawiyo wixii uu kari karo , sida inuu culayska shaqada ka yareeyo bishan iyo tusaalayaal kale oo fara badan.

Deeq-sinimada fur-furnaanta iyo Akhlaaq wanaaga.
Qofku waxa uu deeq-si ku noqon karaa akhlaaq-wanaagiisa. Tusaale ahaan dhoola-cadaynta uu bulshada ku qaabilayo , kaftanka iyo hadal wanaaga uu kula dhaqmayo iyo akhlaaqda kala duwan ee diinteenu ina fartay sida in aynu dadka wax-tarno , caawino , dhib-ta ka qaado ama aynaa dhibin . Waa qaar aynu ku noqon karno deeq-siyiin. Waxaana xusid mudan in dadka oo dhan aynaa jeeb-keena wada gaadhsiin karin. Balse aynu wada gaadhsiin karno dhaqan-wanaageena. Fadliga Akhlaaq wanaagana waxa ka mid ah inuu yahay waxa ugu culus ( cusleeya ) miisaanka acmaasha qofka , waxa aynu ku gaadhi karnaa derajada booska nin soon badan maalintii , habeenkii salaad badan. Sidoo kale waxa uu inaga yeelaya qaar u dhaw Nabiga SCW jannada .

Deeqsi-nimada sharafta
Ciwaankan oo ah inaynu sharaf-teena iyo wax-kasta oo wax u dhimaya ku sabirno iskana cafino ama saamaxno cida inagu xad-gudubta. Ciwaankan oo ah kii aynu ku soo qaadanay qodobkii sabirka , dulqaad-ka iyo cafinta.
Waxa dhab ah in qof kasta ay aad u dhibto wax-kasta oo sharaftiisa waxa yeelaya. Waliba waxay yidhaahdaan habkani waa ka ugu adag ee deeqsi lagu noqon karo. Balse in aynu isku dayno in aynu saamaxno cid-kasta oo inagu xad-gudubta waxaynu ku faa’idi doonaa in qalbigeenu nadiif ka noqdo calool- xumada , nacaybka , IWM. Sidoo kalena waxaynu ku gaadhi doonaa qalbi xasiloon oo ay ka madhan tahay la colaatan-ka iyo nacaybka dadka. Walibana waxa lagu badbaadayaa Aakhiro waa qalbi fayaw oo ka sifaysan cuduro ay kuwani ka mid yihiin.
Waxaynu ku soo koobaynaa in wax-bixinti ay markasta muhiim tahay. Sidaas darteed bixinta lacagta iyo sadaqada bisha Ramadan iyo xilli kastaba waa mid ay dhiirigalisay diinteenu.

B.WAX-BIXINTA
Waxa ku soo arooray fadliga wax-bixinta fadliyo kala duwan. Sidaas darteed waxaynu dadka ay ku yara jirto bakhayl-nimadu kula dar-daarmaynaa aayad qiimo badan oo ku jirta suuratu (AL CIMRAN 180)
Aaya-dan waxay leedahay dadaw wax bixiya saddex sababood awgeed:
• Marka hore cida dheeraad-ka bixisa sida lacagtu waa ALLE . ee maaha wax uu adoonku leeyahay. Walibana haddii aanu ALLE ku manaysan muu heleen nicmadaas. Sidaas darteed haddi ALLE kuu sama-falo waa inaad adiguna u samo-fashid adoomihiisa sida ku cad aayada kale
( QASAS 77) . Qofka ku dhaqmi waaya aayadan kale waxa uu noqonayaa mid galadii Rabbigii uga timi bulshada kala bakhaylay. Ma wax lagugu deeqay baad dadka kala bakhayliysaa?

• Marka labaad cida ay gacantiisa adoomuhu ku jiraan waa ALLE , isaga ayaana loo wada noqonaya. Sidaas darteed maxay tarayaa ku bakhayl-ista lacag lagaa qaadi karo marka la doono sida inay ku dhacdo masiibo dabiici ahi, ama aad ka dhiman doontid. Dabadeeto cid-kale ku wareegaysa?

• Marka saddexaad haddii qiyaame iyo is-abaalin inaga horeyso , taas oo la iska abaali-nayo wanaag , sidoo kalena la isku cadaabayo xumaanta iyo dembiyada . Miyaanay taasi sabab aynu wax ku bixino ahayn ? Waayo haddaynu wax bixino waa la inaga abaal-marin. Haddii aynu bakhayl-nimo la nimaad-nana waa la inagu ciqaabi.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobka deeqsi-nimada iyo wax-bixinta waxa ka mid ah:
• Lacagta ka sokow maxaan deeqsi ku noqon karaa ee ii fudud ?
• Maanta maxaan bulshada ugu deeqay? Tusaale waxaad ku jawaabi kartaa wakhtigayga , aqoontayda ,akhlaaqdayda , xil-kayga , sharaftayda ( cafinta) , IWM.
• Waa sidee wadada ugu fudud ee aan is-kaga yarayn karaa ama uga bogsan karaa xanuunka bakhayl-nimada?

Gunaanad-ka maqaalka ALLE waxaan ka baryaynaa inuu inaga aqbalo soomka , salaadaha iyo camalada kale-ba bisha Ramadan. Waxaynu is-kula dar-daarmaynaa maadama oo bishani tahay bil ducada aad loo rajeeyo in la aqbalo. In aynu dhammanteen muslimka meel-kasta oo ay joogaan loo duceeyo kuwooda nool iyo kuwooda dhintay-ba .
Xadiis- rasuulka ka sugmayna waxa uu sheegayaa in dadka ka ugu caajisan u yahay : qofka ka caaji-sa ducada. Sidaas darteed yaan laga gaabin ducada bisha Ramaddan.

قال صلى الله عليه وسلم
أَعْجَزَ النَّاسِ مَنْ عَجَزَ بِالدُّعَاءِ ، وَإِنَّ أَبْخَلَ النَّاسِ مَنْ بَخِلَ بِالسَّلامِ ” .

F.G
Noocyada deeq-sinimada culimadu waxay qeybiyaan 10 nooc. Balse waxaynu ka soo qaadanay afar ka mid ah. Cidii doonaysa inay wada ogaato waxay ka daalacan kartaa link-ga.

https://islamqa.info/ar/ref/islamqapages/31
تفسير السعدي

DHAMMAD
https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso