Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 10aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 10aad

 

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

 

Saxaabadi Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.

Fahamo kala duwan oo laga soo saaray hab’adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen, culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii Taabicigii Suhri ee ahaa, “Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn.”

Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo dambe ba lahaa. Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, “Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa in uu gaal yahay waa fahamkii Saxaabada, Taabiciintii waaweynayd, Imaam Suhri na waa Taabiciintii yaraa (oo wuxu ka mid ahaa taabiciinti dambe oo ma soo gaadhin Saxaabada waawaynayd badankooda) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynnu ku tagno.”

Aayado badan baa ku soo degay qiimaha iyo abaalcelinta Alle SWT qofka ooga salaadda u leeyahahy. Ugu horrayn Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu waxay u tahay Muminiinta wakhti go’an.” Maaha jaanta rogan in aad ka dhigto xilligi aad doonta ba aad tukato, se waa wakhti la jaan goyey oogisteedu.

Rasuulka CSW oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi, “Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimce lagu gaadho, waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.” Xaqiiqdii iska daa in aad ajar ka heshide adigii baa lagu leeyahay dambi yadii kale ee kaa dhacayey na way masaxaysaa.

Salaadda oogisteeda marka aynnu ka hadlayno waxa ay leedahay Shuruudo, Arkaan iyo Waajibyaal haddii mid ka mid ah aad ka tagto salaaddada inay xagga Alle SWT u gudubto laga baqo qabo. Rasuulka CSW wuxu yidhi, ”Qof lixdan sannadood tukanayey baa iman doona isagoon hal salaad laga aqbalin.” Waa yaabe, lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kaliyana lagama aqbalin waa maxay tallow?. Inta aynnu kor ku soo sheegnay un buu khaldayey.

Sida oo kale Rasuulka CSW oo misaajidkiisi xagga dambe ka fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey, “tuko maad tukane,” ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday Rasuulkuna CSW intii un buu ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, “Rasuul Allow intaa in ka badan garan maaye maxaan sameeya.” Ninkaasina intaa aynnu kor ku soo sheegne Shuruud, Arkaan iyo Waajibyo ah un buu khaldayey. Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad barato wixi salaaddadu ku ansax noqonaysay.

 

 

 

Sheekh cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso