Ciraaq : Maxkamad ku xukuntay nin u dhashay Belgian asal ahaana ka soo jeeda Marookaan ah Dil Daldalaad ah!!!

Maxkamadda Dembiyada Dhexe ee Ciraaq ayaa xukun dil ah ku xukuntay Tariq Jadoun oo loo yaqaan Abu Hamza Belgian, sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah ee Golaha Cadaaladda Sare ee Ciraaq.

Maxkamadda Dembiyada Dhexe ee Rusafa oo eegtay kiiska Tareq Jadoun naanaystiisuna tahay Abu Hamza al-Belgeiki, oo xubin ka ah ururka Daacish, oo ku lug leh hawlo kala duwan oo mas’uul ka ah tababarka waxa ay u yaqaanaan khaliifada, “ayuu yidhi garsooraha Abdul Sattar Birekdar ahna afhayeenka Golaha Garsoorka Sare.

“Ninkan oo u dhashay Belgian asalkiisuna yahay Maqribi waana mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ajnabiga ka dagaalamayay Suuriya iyo Ciraaq si ay uga mid noqdaan ururada xagjirka ah,” ayuu yidhi afhayeenka.

Waxaanu sheegay in xukunkani waafaqsan yahay “xukunka la soo saaray sida waafaqsan qodobka 4aad IV ee sharciga Ciraaq ee la-dagaallanka argagixisada sanadkii 2005.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso