Gudaha ka Akhri Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka War Bixiyey Baaxadda Masiibada Ka Dhalatay Roobabkii Duufaannada Watay Ee Khasaaraha Ka Geystay Xeebaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo Xidhiidh la sameeyey Imaaraadka Carabta + Imaaraadka oo si deg-deg ah uga soo jawaabay + madaxweynaha Oo airport ka kaga Hortegay Warbixinta Duufaanta ee Xeebaha Somaliland

Hargeysa-22-05-2018-(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa subaxnimadii hore ee saaka garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, warbixin kaga dhegeystay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kasoo laabtay kormeer dhinaca hawada ah oo uu ku tegay deegaannada xeebaha gobollada Awdal, Salel iyo Saaxil oo ay dhufteen roobab dabaylo wataa.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa kaddib markii uu dhegaystay warbixinta, waxa uu madaweyne-ku-xigeenka ku wareejiyey deeqo kala duwan oo loogu talo galay dadka masiibadaas ku waxyeelloobay, taas oo la saaray diyaarado Helicopter oo ah oo ay ku deeqeen dalka Imaaraadka Carabtu, looguna talo galay dadka waxyeelladu gaadhay, kadib xidhiidh uu madaxweynuhu la sameeyey, iyada oo markab iyo diyaarad sida mucaawimooyin ay dalka kusoo fool leeyahay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ka hor intii aanu qaadin mucaawimooyinka loogu talo galay dadka ku waxyeelloobay roobabkii duufaannada watay, waxa uu ka warbixiyey masiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay roobabkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka oo kasoo laabtay safar dhinaca hawada ah oo uu kusoo indho indhaynayey baaxadda masiibada ka dhalatay roobabkii duufaannada watay ee ka da’ay xeebaha Somaliland gaar ahaan meelo badan oo katirsan gobollada Awdal iyo Salel, ayaa waxa uu bulshada la wadaagay dhibaato naf iyo maalba leh oo ay roobabkaasi sababeen, ka hor intii aanu maanta gargaar xukuumaddu bixisay u qaadin deegaannada dhibaatadu ku habsatay.

Mudane Saylici oo maanta madaarka Cigaal International Airport ugu warramay warbaahinta madaxa bannaan, ayaa shaaciyey inay dhibaato argagax leh kusoo arkeen degmada Lughaya iyo deegaanno ku hareeraysan oo ay masiibadani taabatay, isla markaana dad iyo duunyo tiro badaniba ku dhinteen dhibaatadaas dhacday, “Si aanu uga war doonno dhulka go’doonka ah ee ay ku dhufteen roobabkii xoogganaa ee dabaylaha watay, waxa aanu dalka Jabuuti ka raacnay diyaarad Helicopter ah, waxa aanu raacnay badda, waxaana aad arkaysay laga bilaabo Jabuuti ilaa degmada Lughaya, meel meel kale ka biyo yarayd ma ay jirin, fadhigii koowaadna waxa aanu fadhiisannay degmada Lughaya, halkaasna wax aan laga sheekayn Karin, ayaanu ku aragnay, magaalo dhan oo baaba’day oo dhammaan guryihii ku yaallay dhulka la sinmeen, dadkii oo taag taan oo wax alla iyo wax ay hoy haystaan aanay jirin, wixii Xoolo aaggaas ku noolaa iyo wixii hoy ahaa ayaa burburay,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray, “Dadka xeebtu waa dad deggen oo aan guur guurin dhinaca xeebtu, baddii iyo biyihii ayaa is qabsaday, dhulkaasna waxa kamid ahaa Maame, Ido-caddays, Sabo-wanaag, Hayayta, fawaxo, Ceel sheekh ilaa Cabdi Geeddi, meesha Hadayta la yidhaahdo ayaanu dul fadhiisannay, mana odhanaysid meeshaasay dad deggenaayeen, biyihii halkaas ku dhacayna waxa ay abuureen inay dhulkiiba gooyaan oo ay xataa baddii soo durkiyaan, dadka aanu halkaas ugu tagnayna inta baxday waxa ay ahaayeen kuwo aan isu war haynin oo kuwii dhintay aasaya oo meydadkii uu daadku ka qaaday Cabdi Geeddi iyo Gargaara bari uu halkaas ugu tegay, wixii ay xoolo lahaayeenna badday dul sabbaynayeen, dadkaasina gacmo madhan bay ahayeen, daadkuna waxa uu sameeyey darbi dheer oo xoolihii iyo dadkiiba meel ay ka baxaan la’yihiin, waxaana aanu kala talinay inay meeshaas ka baxaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu shaaca ka qaaday in marka laga yimaaddo nafaha shacabka ka dhintay, ay masiibadani baabi’isay guud ahaanba dhaqaalihii qaranku lahaa ee dhinaca gobollada Awdal iyo Salel, maadaama oo xoolihii iyo Beerihiiba baaba’een, waxaana uu yidhi, “Dabaysha culayskeedu waxa ay ku dhacday dhinaca Gargaara Bari ilaa Lug-haya iyo tuulooyinka ku dhaw, dhulka inta kalena waxa ay la qabaan biyaha. Maantan Somaliland waxa ka burburay dhaqaale weyn, xoolo wixii dalku lahaana gobollada Awdal iyo Salel waxna daad baa qaaday, waxna qabow baa laayey.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in dhibaatada ay sababeen roobabkii dabaylaha watay ay tahay mid ka ballaadhan awoodda qaranku leeyahay, “Garbo-dadar iyo Waraabe dayreed oo beero badan ahayd inuu dhulku beer ahaa iyo in kale la garan maayo, wax alla iyo wixii la beerayna gebiyo ayuu ka wada dhigay, ilaa Baki oo beer biyood ahaydna waxay baa’ba day, dhibaatada halkaas ka dhacdayna mid maanta awooddeenna aad uga weyn weeye,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu si gaar ah uga warramay dhibaatada ugu daran ee haysata dadkii ka badbaaday dhibaatadii roobabku sababeen, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay hoy la’aantu tahay dhibka ugu daran ee dadkaas haysata, isaga oo ka xog warramay dedaallada ilaa haatan xukuumaddu qaadday iyo baaxadda gargaarro dibadeed oo hor dhacoodu ka yimi dalka Imaaraadka Carabta, waxaana uu yidhi, “Dadkaa dhibaataysan baahida cuntada waxa kaga daran baahida hoyga, dadkii jilicsanaa, haweenkii iyo carruurtiiba bannaan bay fadhiyaan, gurmad degdeg ahna waa loo baahan yahay, qof kasta oo maanta Ilaahay wax siiyey. Ka xukuumad ahaanna ilaa maalintii dhibaatadu dhacday shirar isdaba joog ah baa lagu jirey, xukuumaddu wixii ay haysayna way diyaarisay, hay’adihii heegan baa la geliyey, gurmadkii koowaadna oo ah diyaarado dhulka go’doonsan raashin gaadhsiiyana waxa inoo diray dalka aynu saaxiibka nahay ee Imaaraadka, Berri-na laba kale oo midi ay raashin siddo ayaa imanaya insha Allah.”

Ugu dambayntii madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) waxa uu ugu baaqay dhammmaanba hay’adaha iyo cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geystaan taakulaynta dadka masiibadu ku habsatay, inay la xidhiidhaan guddida Aafada Qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne-ku-xigeenku, isaga ganacsatada iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland-na ku boorriyey inay u guntadaan sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso