Gudaha Ka Akhri: Matxaf ku Yaal Paris oo Albaabada u Furay Dadka Qaawani inay Booqdaan!!!!

Caasimadda Faransiiska ee Paris ayaa laga furay sabtidii Matxaf markii ugu horeysay kaas oo ay booqan doonaan dadka Qaaqaawan, kuwaas oo la siiyay saacado ay isticmaalaan iyaga oo aan waxba xidhnayn oo qaawan.

Matxafkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey Magaalada Paris ee loo ogolaado inay booqdaan dadka qaaqawani ee mudh iyo gacanta ahi inkasta oo dhawaanahan ay wadeen Dhaqdhaqaaqyo ay ku dalbanayeen dadka qaaqaawani Paris .

Xerada Boa de Vincennes, oo ku taal bariga Paris, ayaa tijaabisay inay noqoto mandqadii ugu horeysay ee dadka qaaqawan ee Magaalada Paris halkaas oo dib loo furay si ay ugu diyaar garawdo xagaaga.

Koox Difaacaysa Arrintan ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay is-qaawiyaan. Muddada uu u gaar yeelay Matxafka Palais de Tokyo inay booqdaan dadka Qaawani ayaa la filayaa 160 qof booqdaan.

Qaawaaantu waa Mid ka Mid ah nolol maalmeedkayaga, tani waa fursad aad u wanaagsan, “ayuu yidhi Julian Claude-Benigri, oo ah Ninka u qaabilsan Isgaadhsiinta Midawga Ururka Dadka Qaaqaawan ee Paris.

Waxaanu intaa ku daray “Maanta, maskaxdu way isbeddelaysaa, Dadka Qaaqawani way dhaafayaan caqabadaha iyo Caqliyaadkii caqabada ku ahaa.”

Tirada Dadka Qaawan ee Paris oo keliya ayaa gaadhay 88,000. Tirakoobyada ururka ayaa muujinaysa in ay jiraan 2.6 milyan oo qof ay qaawan yihiin Faransiiska.

Tallaabada xigta waxay noqon doontaa furitaanka goob lagu caweeyo oo loogu talagalay Dadka Qaawan wakhti dambe oo sanaddkan ah.

Hore ayay Matxafyada qaarkood sameeyeen Dhacdadan oo kale bandhig ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna ayaa martiqaaday martida inay dharka iska dhigaan si ay uga qayb galaan dhacdo loogu talagalay Sawirada rag qaawan,halka Matxaf Australiya ku yaala uu horey ugu furay albaabadiisa si ay u soo booqdaan dadka qaaqaawani.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso