Madaxwaynaha Israel oo Booqanaya Itoobiya Xili Khilaaf u Dhaxeeyo Itoobiya iyo Masar Dhinaca Wabiga Niil

Madaxwaynaha Yuhuuda Reuven Rivlin ayaa booqasho ku tagay Itoobiya, taas oo noqonaysa Taariikhda markii ugu horeysay ee madaxweyne Yuhuudi ahi Booqdo Dalka Itoobiya, wuxuuna u sheegay kooxdii ku soo dhaweeysay garoonka diyaaradaha inuu soo celinayo Booqashadii boqoradda Sabba, isaga oo ka wakiil ah Boqor Solomon.

Rivlin waxa uu sheegay in uu doonayo in uu horumariyo siina wado iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyaga oo ka teegeeri doona Dawlada Itoobiya dagaalka lagula jiro argagixisanimada.

Booqashada Madaxwaynaha Israel ayaa qaadan doonta saddex maalmood waxaanu la kulmay dhiggiisa Itoobiya Moulito Tishum, Raisul Wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed iyo Wadaadka Itoobiya Abuna Mathias iyo tiro kale oo Dad caan ah.

Israel ayaa safaarado ku leh 10 dal oo Afrikaan ah: Senegal, Masar, Angola, Ghana, Côte d’Ivoire, Itoobiya, Koonfur Afrika, Nigeria, Kenya iyo Cameroon.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso