Wasiir Guri Barwaaqo Oo Meel Uu Ku Sugan Yahay Lays Weydiinayo

May 4, 2018 Hargeysa (Togaherer)-Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland ayaan la ogeyn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, isagoon kasoo muuqan gudidii uu madaxda uga dhigay Muuse Biixi ee loo xil saaray inay abaabulaan xaflada debaal dega 18-May 2018, sidoo kalena laga la’yahay wasaaradii uu wasiirka ka ahaa, waxaana isa soo taraysa cabashada shaqaalaha wasaaradu ay kaga cabanayaan oo ku saabsan inaanu joogin xafiiskiisa, taasoo cubadhawrtay hawlihii shaqo ee ka socotay wasaarada gudaheeda, waxaana dhacday xataa in gurigiisa laga waayay wasiirka. Dhanka kale warar xogogaal ah oo soo gaadhaya Toggaherermedia ayaa sheegaya inuu dalka si dhuumasho ah uu uga soo baxay wasiirku, waxaana la sheegayaa inuu hada joogo Ingiriiska amaba dalka Canada oo uu sharciyadooda haysto.

 

Wasiirkan ayaa qoray buug uu si anshax-xuma ah uu ugu aflagaadeynayo Hablaha Soomaalida oo uu si qaawan oo dhaqan xun uu ugu weeraray, wuxuu sidoo kale gaf iyo meel ka dhac uu ku sameeyay taariikhdii iyo halgankii Sayid Maxamed Cabdale Xassan.

Wasiirkan ayaa Bulshada qaybaheeda kala duwani Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqeen inuu xilka ka xayuubiyo laakiin madaxweynuhu wuu ka gows adeegay inuu xilka ka qaado, waxaana muuqata inuu madaxweynuhu Cayda iyo gefka lagula kacay hooyadii aanu waxba ka soo qaadin. Talaabadan oo waxgaradka Somaliland walaac weyn ka muujiyeen, iyagoo xusay inay arrintani ibafurto in loo wada qalin qaato in lagu noqdo dhaqanadii daaqa iyo xoolaha oo uu nin waliba wixii uu doono uu qorto.

 

Xafiiska Warqabadka Togaherer.

Hargeysa/Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso