Boqor Buurmadow Oo Habeenkii 7-Todobaad Jeelka Ku Dhex Xanuusanaya

Hargeysa(Togaherer)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo maalintii todobaad ku xidhan jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, isagoo xanuun dhinaca wadnaha ah ka cabanaya, kuna dhex xanuusanaya jeelka dhexdiisa, waxaana muuqata inuu Madaxweyne Muuse Biixi dhagaha ka furaystay dhawaaqyadii iyo baaqyadii kala duwanaa ee beesha boqorku ku dalbanayeen in xoriyadiisa loo soo celiyo, iyagoo uqabtay in Afar iyo labaatan saacadood lagu sii daayo boqorka, xaga kuwo kale ku goodiyeen in usbuuc gudihii lagu sii daayo boqorka, waxaana jira odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha boqorka oo utafaxaydan sidii boqorka looga sii dayn lahaa jeelka lala miciinsaday.

Dhanka kale xadhiga boqorka ayaa la rumaysan yahay inay ka dambeyso arrimo siyaasadeed oo ka dhex aloosan xisbiga Kulmiye, xaga dadka qaarkood ay xadhiga boqorka usibir saarayaan hadalo deelqaafa oo uu ugeystay beesha Madaxweynaha oo uu ku sheegay inay faraha baruuryo ku sitaan iyo wax la mida. Xaga xukumadu ay ku eedaysay shirkii uu Tuulada Carmo ee maamulka Puntland uu kaga qayb galay, halkaas oo uu kaga tiraabay hadalo gef ku ah qarannimada iyo madax banaanida Somaliland.

 

Xafiiska Warqabadka Togaherer.

USA.

Advertisement

Ku Xayeysiiso