Gudaha ka akhri: Maxmuun Cali Ibrahim (Cali Sanyare) Oo Isniinta laga soo qaadi doono Dalka Switzerland Aas Qaranna loogu Samayn doono Maalinta Salaasada Magaalada Hargaysa

Maanta oo ay taariikhdu tahay 2 May 2018 5:00 AM ayuu xaqii ugu yimi Cali Ibrahim Maxumed (Cali Sanyare) Cusbitaal ku yaala magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Waxaana hadii Alle yidhaa maalinta Isniinta 8. may 2018 loo soo qaadi doonaa dalkii Gaar ahaan Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargaysa , hadii rabi qadarana Maalinta Salaasada Ee 8. may 2018 ayaa Aas qaran loogu samayn doono Magaalada Hargaysa ,Waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha TOON ee duleedka magaalada Hargaysa.

Xaga hoose ka akhri Taariikh Nololeedkiis Oo Si tafatiran loo qoray.

HOYGIISI BUU CALI TAGEE DUCO KU SII HOOYA.

Alaylehe hogaanshuu ahaa loo han wayn yahaye .
Allaylehe hormood buu ahaa hirasho toolmoone
Allaylehe horseed buu ahaa hawsha aan gabine
Allaylehe higaadshuu ahaa hindisay taariikhe…
Allaylehe halbeeg buu ahaa habay dhalaankiiye
Hogol noo da’adaabuu ahaa oo haraad tiraye
Hadhac iyo qabaw buu ahaa lagu hagaagaaye
Allaylehe hirdoog luu ahaa oon la helahayne
Hal abuurka fikirkuu ahaa iyo horumarkeeniiye
Allaylehe nin hoo luu ahaa oo bixiya hayntiiye
Himilada dareenkuu ahaa hadaf tilmaan wayne
Halqabsiga samaantuu ahaa haybad law Caliye
Hilinkeeda guushuu ahaa haybad law Caliye
Hal muceedo badan buu lahaa haybad law Caliye …….
Mar hadii xaqii uu heloo geeridi haleeshay
Qofna kuma hadhaayoo ifkani waa hadh galinkiiye
Mid kastoo halyeeyiba marbuu hilinka qaadaaye
Hoygiisi buu Cali tagee Duco ku sii hooya .

Gabaygaa baroordiiqda ahi ma dhama intaasi waa gole ka fuul.

INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
GEERIDU WAA XAQ LAGU WADA XUKUMAN YAHAY WAYNUSE KALA HORAYNAYNAA .

Waxa waxyar ka hor la iisoo sheegay Geerida Adeero Cali Ibraahim Muhumed (Cali Sanyare ) oo aanu mudooyinkii noloshiisa u danbaysay si wayn u rafiiqnay wax badan oo waayo aragnimo nololeed ahna aan ka dhaxlay .
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto , Waxaanan jeclahay inaan halkan ku soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisii oo kooban .

TAARIIKHKII NOLOLEEDKII MARXUUM CALI IBRAAHIM MUXUMED (CALI- SANYARE) OO KOOBAN.

Alla ha u naxariistee Wuxuu Marxuum CALI IBRAAHIM MOXAMED ( CALI- SANYARE) ku dhashay magaalada
HARGEYSA, 1944kii.

A). WAXBARASHADIISII:

Alla ha u naxariistee wuxuu marxumku waxbarashadiisii hoose-dhexe ku soo qaatay iskuuladii berigaa la kala odhan jiraay REECE SCHOOL iyo SYKES THOMPSON SCHOOL ee Hargeysa. Wuxuu kadib ku biiray machadkii lagu baran jiray maamulida iyo maareynta xafiisyada oo uu shahaado ka qaatay. Wuxuu kaloo tababaro sar sare oo ku saabsan maamulida iyo maareynta ka dhameeyey machadkiii loo yaqaanay SOMALI INSTITUTE OF PUBLIC

ADMINISTRATION ( SIPA) .

Alla ha u naxariistee wuxuu waxbarasho dibadeed u tagey dalalka Germany, Holland, Uganda iyo Mareykanka.

Wuxuu shahaad jaamicadeed oo la xidhiidta maamulka dawladeed “Bachelor of Science on Public Administration” ka qaatay North Eastern University. Wuxuu kaloo tababaro
waxbarasho oo kala duwan ka kala qaatay wakhtigaaas jaamicadaha kala ah:
Harvard University. Wisconsin University iyo Missouri University. Maadooyinka
wax-barasho waxay kala ahayeen : Labour/Management , Cooperative
management iyo Community Development.

Alla ha u naaxriistee wuxuu waxbarashadiisii “post-graduate-ka ka dhameeyey machadka
la yidhaa INSTITUTE OF SOCIAL STUDIES (ISS) ee ku yaala magaalada HAYG ee
dalka Holland.

B) KHIBRADIISA SHAQO

Alla ha u naxariistee wuxuu Marxuumku shaqada ka bilaabay sanadkii 1963 maxkamadaha, Isago ku magacaaban
kaaliye maxkamadeed. Waxaa loo bedelay xarunta Wasaarada Cadaalada ee
Muqdisho sanadkii 1965, halkaas uu ka noqday Gacanyaraha Xafiiska Wasiirka Cadaalada ( Assistant in the Office of the Minister of justice)

Sanadkii 1971, kadib markuu helay dhowr dalacaadood, wuxuu noqday AGAASIMAHA
WAAXDA SHAQADA ( Director of Labour Department) ee Wasaaradda Shaqada iyo
Isboortiga. Wuxuu noqday kusimaha AGAASIMAHA GUUD ee Wasaaradda Shaqada iyo Isboortiga.

Bishii Janwari, sanadkii 1975, ayaa xukuumaddii Soomaliya, ku wareejisay MARXUUM CALI IBRAAHIM URURKA MIDOWGA AFRIKA (OAU) .
Waxaana loo magacaabay AGAASIMAHA ARRIMAHA SIYAASADDA EE URURKA MIDEYNTA SHAQAALAHA AFRIKA (OATUU) ee xaruntiisu tahay magaalada AKRA ee dalka GAANA. Ururkaas oo ah laan ka mid ah Urur weynaha OAU da.

Sanadkii 1976. Waxaa loo doortay Marxuum CALI. IBRAAHIM KU- XIGEENKA
XOGHAYAHA GUUD EE URURKA OATUU. Mansabka labaad ee Ururka. Wuxuu
jagadaas ku fadiyey 14 sano ilaa 1990.

Alla ha u naxariistee Marxuumku Sanadkii 1986, wuxuu shirweynihii caalamiga ahaa ee Ururka Qaramada Midoobay
ee ILO u doorteen Marxuum CALI IBRAAHIM inuu noqdo XUBIN MUDAN ( Titular Member) oo ka mid ah xubnaha 58ka ah ee saddexdii sanadoodba dalaka Ururka ku jira u doortaan GOLAHA SARE ee INTERNATIONAL LABOUR ORGANISATION (ILO) ee fadhigeedu yahay magaalada JINEEFA ee dalka SWIZERLAND.

Sanadkii 1990, ayuu Alla haw naxariistee Marxuum CALI IBRAAHIM ka noqday Sarkaal Sare ( Senior international Civil Servant) Ururka ILO da. Wuxuu ka shaqeeyey xarunta ururka ee Jineefa muddo 8 sano ah.

Sanadkii 1998 , waxaa Alla haw naxariistee loo dalacsiiyey inuu noqdo Agaasimaha Xafiiska Gobolka
Afrikada Bari ee Ururka. Xafiis goboleedkaas waxa hoos-yimaada dalaka kala ah:
KENYA, UGANDA, TANZANIA, ZANZIBAR, SOMALIA iyo SOMALILAND.
Wuxuu Agaasime ka ahaa xafiiskaas muddo 8 sanadood oo kale.

31kii bishii JUULAY ee Sanadkii 2006, ayuu hawl-gab ka galay shaqadii Qaramada
Midoobay, una soo guuray Hargeysa.

C) MANSAB SIYAASADEED:

Bishii Ogost 15dii,Sanadkii, 2006, ayuu Madaxweynahii Somaliland ee wakhtigaasi,
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, uu u magacaabay Alla haw naxariistee CALI IBRAAHIM jagada WASIIRKA QORSHEYNTA QARANKA, ISU-DUWIDA IYO XIDHIIDHKA HA’YADAHA CAALAMIGA AH. Wuxuu hayey mansabkaas afar sano ilaa 2010 kii.

Ilaahay ha u naxariisstee Marxuumku wuxuu baal dahab ah kaga suntan yahay taariikhda Somaliland waxaanu ahaa halyeygii Aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano (SDF), Waxaanu ku guuleystay intuu uu xilka Wasiirka Qorshaynta Qaranka hayey in beesha Caalamku si toosa Somaliland ugula xidhiidhaan oo wixii Caawimo ahna ugu soo shubaan sanduuqa horumarinta Somaliland.

Wuxuu Alla haw naxariistee Marxuum Cali Mudooyinkii ugu danbeeyay ku hawlanaa arimaha khayriga ah waxaanu ahaa Guddomiyaha Guddida Mashruuca Dhismaha WADADA CAD EE HARGEYSA/SALAXLEY/INA-GUUXA oo hadda heer fiican maraysa. Waana wadadii ugu horaysay ee laga hindiso dalkeena una hooyo ah dhamaan wadooyinka khayriga ah ee dalka ka socda .
Mudadaa uu Alle haw naxariistee Cali Sanyare
Mashruuc kheyri ah waday waxay ahayd Hawl , hawl wadeenadeedu si tabaruca ku shaqeeyaan .

D) XILALKA KALE

Xilalka kale ee uu Alla haw naxariistee Cali Ibrashim Muhumed ( Cali Sanyare )uu soo qabtay dhalinyaranimadiisii waxaa ka mid ahaa:

>>>. Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Somaliyeed ( President, Somali Youth Organisation (SYO). Waxaa lagu abaabulay ururka magaalada Hargeysa lixdanaadkii, Kadibna wuxuu Wasiir Cali u qaaday Xamar, halkaaso uu ku yeeshay 37 laamood ama farac.

>>>> Wuxuu Allahaw naxariistee Isla wakhtigaas jagooyin muhim ah Marxuum Cali Sanyare ka soo qabtay
URUR-WEYNIHII SHAQAALAHA SOOMAALIYEED (Confederation of Somali
Labour. ( CSL), isagoo ka noqday KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 2 May 2018 5:00 AM ayuu xaqii ugu yimi Cusbitaal ku yaala magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Waxaana hadii Alle yidhaa maalinta Isniinta loo soo qaadi doonaa dalkii ,hadii rabi qadarana Maalinta salaasada ayaa Aas qaran loogu samayn doono Magaalada Hargaysa ,
Waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha TOON ee duleedka magaalada Hargaysa .

Alla haw naxariistee Marxuum Cali Ibraahim muxumed( Cali Sanyare ).Wuxuu ifka kaga tagay Xaas Iyo Sadex Caruura oo kala Sharmaake Cali,Ceebla Cali iyo Iido Cali iyo 5 Caruura oo ay sii dhaleen oo uu Awaw u yahay.

Mar hadii xaqii uu heloo geeridi haleeshay
Qofna kuma hadhaayoo ifkani waa hadh galinkiiye.
Qofkastoo halyeeyiba marbuu hilinka qaadaaye.
Hoygiisi buu Cali tagee Duco ku sii hooya .

Runtii waayadaa geeri igaga naxdin badan ma garanayo geerida Marxuum Cali ibraahim muxumed Waana qadar Alla oo dhamaanteen wadadaasaa ina wada sugaysa .
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naxariistiisa wayn ee waafiga ah ku sooro oo uu Iilka neecaw udgoon iyo naruuro ku siiyo.
Idinkuna dhamaantiin waxaan idinka codaanayaa inaad u ducadaa aamiin ii tidhaahdaan,Idina u ducaysaan.

INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Fu’ad Ibraahim Muhumed (Fu’ad Waaberi) Columbus ,Ohio ,USA

Advertisement

Ku Xayeysiiso