Trump: Dalalka Bariga Dhexe ee Maal Qabeenka ahi waa inay bixiyaan!

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ku booriyay dalalka Bariga Dhexe in ay taageeraan dadaalada Maraykanka ee gobolka, isaga oo sheegay in dalkiisa uu ku guulaystay Dagaalka “Daacish”, halka dalalkaasi ay iska indha tirayaan inay wax ay bixinayaan.

“Waxaan u maleynayaa in aan $ 7 bilyan ku bixinay Bariga Dhexe si aan waxba u dhicin,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa Michigan, “waxaan jabinay kooxda Daacish, mana jirin ciidan sida ciidankeena ah, qaar ka mid ah dalalka ugu qanisan adduunka ayaa noo sheega in ay ka xun yihiin waanu daalnay mana dooneyno inaan bixino.”

“Waxaanu ka dhigi doonaa inay bixiyaan oo ay bixiyaan kharashka,” ayuu yidhi, isaga oo sheegay, in ay isbedelayaan.

Trump ayaa sheegay mar uu wadahadal la yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron oo booqasho ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Qaar ka mid ah wadamada Bariga Dhexe “ma joogi karaan usbuuc ilaalinta Mareykanka la`aanteed.” Waxaana ugu baaqay in ay taageeraan dedaalka Maraykanka ee Suuriya iyada oo la adeegsanayo lacag iyo shakhsiyaad.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso