Gudaha Ka Akhri Xabad Khudrad Qaayistay oo horseeday in Arday iyo Macalimiin gaadhaysa 500 Laga Daadgureeyo Jaamacadda Melbourne ee Australia

In ka badan 500 oo arday iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Melbourne ee Australia ayaa laga daadgureeyay ka dib markii ay xaalad degdeg ah sabab u tahayna urta xabad khudrad ahi, taas oo saraakiishu u maleeyeen inay tahay gaas daadatay.

Waxaa la ogaadey in Xabadan Khudrada ah lagaga tagay mid ka mid ah khasnadaha laybereeriga Machadka Tiknoolajiyada.

Midhaha Durian fruits waxaa lagu yaqaanaa urta qadhaadhka ah iyo dhadhanka macaan.

Kooxda dab-damiska ayaa sheegtay in urta ay ku faaftay nidaamka hawada waxayna cadeeyeen in dhismaha dib loogu furay ardayda.

Ka dib markii ay ardaydu saraakiisha jaamacadda ku wargeliyeen urta ay u malaynayeen inuu ahaa gaas dhex yaal maktabadda, dhammaantood waxaa ka daad gureeyey bilayska maxaliga ah.

Waaxda dab-damiska ayaa sheegtay in dhismaha kuleejku yaalaan kiimikooyin taasna ay sabab u tahay inay sameeyaan baadhitaanka halka ay ka imanayso urtu taas oo ah mid daruuri ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso