Gudaha Ka Akhri Midaynta labada Korea Ee Xaga Wakhtiga oo la Bilaabayo!!


Pyongyang ayaa go’aansatay in ay Qadinto Saacadeeda 30 daqiiqo si ay isku waqti u noqdaan Seoul waqtigeeda maxalliga ah kadib shirkii inter-Korean ee Jimcihii si loo muujiyo Niyad wanaag.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku dhawaaqay isagoo balanqaaday inuu dib u soo celin doono ayna isku waqti noqon doonaan Seoul si loo muujiyo niyad wanaag, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee waqooyiga Korea.

Kim wuxuu tilmaamay “go’aanka ah in la mideeyo Wakhtiga Saacada Labada Korea” Qaraarkaas oo uu ku tilmaamay “tallaabada ugu horeysa ee dib-u-heshiisiinta iyo midnimada qaran,” sida laga soo xigtay wakaaladda Waqooyiga Kuuriya.

Sida laga soo xigtay, baarlamaanka Waqooyiga Kuuriya ayaa Isniintii gudbiyay go’aanka ah inuu Waqooyiga Kuuriya dib ugu celiyo isla wakhtiga maxaliga ah ee koonfurta, laga bilaabo Sabtida (5-tii May).

Tan iyo sannadkii 2015-ka, labada Korea-yadu ma wadaagaan waqtiga. Waqooyiga ayaa si lama filaan ah ku dhawaaqay in dhammaan saacadaha dalka dib looga celin doono soddon daqiiqo.

Pyongyang ayaa sheegtay in ay dhigeen Wakhtigan Mustacmaradii Japan kaas oo ay soo rogeen qarni hortii Xuska dabaaldega sannadguuradii 70aad ee xoraynta Kuuriyada Maamulkii Tokyo ayayna kaga dhawaaqeen.

Afhayeenka Koonfurta Kuuriya Yoon Young-chan ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, taas oo muujinaysa rabitaanka lagu horumarinayo xidhiidhka labada dawladood ee deriska ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso