Brigitte MacRoon Xaaska Madaxweynaha Faransiiska Waan ka Xoriyad badanahay Melania Trump!


Marwada koowaad ee Faransiiska Brigitte Macaron ayaa ka hadashay kulan ay la yeelatay xaaska madaxweynaha Maraykanka Melanie Trump intii uu madaxweyne Emmanuel Macaron booqashada ku joogay Maraykanka.

Wareysi uu la yeeshay wargeyska Le Figaro, Brigitte Macaron ayaa sheegtay in Melanie Trump, nolosheeda caadiga ah, ay ka duwan tahay sawirka Marwada Koowaad Maraykanku ee uu arko qof walba.

“Aad ayay u fiican tahay waxaanan leenahay dareen isku mid ah oo aanu iska shabahno Wakhtina waanu wada qaadanay in badana waanu wada qosolnay,” Macaron ayaa ka tidhi aragtida ay ka qabto kulanka Melania. Iyada oo ku safaysay” Qof wanaagsan, jilicsan, caqli badan oo furan”.

Brigitte Macaron ayaa ku tilmaantay in Melania ay ku nooleyd xaalado xaddidaysa xorriyadeeda sababtoo ah waxay ahayd xaaska madaxweynaha. “Ma samayn karto waxa ay rabto,” ayay tidhi “Ma furi karto daaqadda Aqalka Cad, uma bixi karto dibeddaama suuqa, anigu waxaana haystaa xoriyad badan, iyada oo aan maalin walba aan tago Paris.”

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron iyo xaaskiisa Brigitte ee Mareykanka ayaa qaadatay muddo seddex maalmood ah.

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso