Gudaha Ka Akhri Caaro Australia ah oo Jebisay Rikoodha Da`da ee Caarada !!!

Cilmi-baadhayaasha Australiya ayaa waxay heleen Caarada caalamka ugu da`da weyn, taas oo noolayd in ka badan ta haysta rikoodhkii hore Caaradaas oo jirtay 15 sanno.

Koox ka socota baadhayaal Australiyaan ah oo uu hogaaminayey Linda Dennis Mason ayaa helay Caarada Dhadig ee “Giaus Villosus” da`deeduna tahay 47 Sanno Jir

Cilmi-baadhaha caanka ah ee Barbara York Min, ayaa la Socotay Dhaqdhaqaaqa Caaradan dheddig tan iyo sannadii 1971 Kii.

Cilmi-baadhayaashu waxay awoodeen in ay helaan celceliska da’da noocan ah ee caarooyinka iyaga oo adeegsanaya dhowr dabeecadood oo muhiim ah oo ay ku raaxeeysato caarado, oo ay ku jiraan hab nololeed dabaysha iyo xulashada dalagga duurjoogta ah iyo quud dheeli tiran ee ay cunaan.

Noocyada ugu badan ee caarada waxay nool yihiin celcelis ahaan hal sano, Laakiin cilmi-baadhayaashu waxay arkeen in Dhediga caarada Midabkeedu yahay Ubaxa furan ee Wadanka Chile ay noolaan karto ilaa 20 sano, halka kuwa Caarada casaanka ah ee Mexico ay noolaan karto ilaa 25 sano.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso