Trump: Kuma ciyaareyno Pyongyang Kulankayagu Wuxuu Dhici Doonaa…..


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington aysan la ciyaarayn Pyongyang, isaga oo intaa ku daray in uu la kulmayo hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un muddo saddex ilaa afar toddobaad gudahood ah.

“Ma ciyaareyno,” ayuu yidhi isagoo ka hadlayay dibad-bax ka dhacay Michigan. “Waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa ka dhacaya Waqooyiga Kuuriya.”

Mr Trump ayaa sheegay in dadka ka soo horjeedaa ay sheegayeen in seddex ama afar bilood ka hor in falalka Maraykanku u jeedinaayo Waqooyiga Kuuriya ay u horseedi karto dagaal nukliyeer ah “maya, ma aha … waa awood nagu caawinaysa inaan ka hortagno dagaalka.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso