Sacuudi Carabiya : Oo Xidhxidhay ama Qabqabtay Ku Dhawaad hal milyan oo Dad Sharci Darro ku Joogay ama Ku Soo Galayay!!!!


Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in ay xidheen 994 kun oo qof oo ku xad gudubay xuduudaha, Deganaashaha, shaqada iyo Amniga xuduudaha shantii bilood ee la Soo Dhaafay.

Wargeyska maalinlaha ah ee Sucuudiga Cukaad ayaa sheegay in hay’adaha ammaanku ay ka qayb qaataan ololayaasha si ay ula socdaan oo ay u xidhaan kuwa jabiya sharciga deganaashaha, shaqada iyo ammaanka xudduudaha dhammaan degaamada

Waxa la qabtay 14467 isku-day soo galida gudaha xuduudka boqortooyada, 58% waa Yamaniyiin, 39% Itoobiyaan, iyo 3% jinsiyado kale.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka Sacuudi Carabiya waxay qabteen 640 qof oo isku dayay inay ka baxaan boqortooyada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso