Pakistan : Waxay diiday inay guursato Ka dibna uu Gubay ilaa ay ka dhimatay!!!!

Bilayska ayaa xidhay qof lagu eedeeyay inuu gubay haweeney ka dib markii ay diiday inuu guursado, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Pakistan.

Sarkaal ka tirsan bilayska, Ijaz Shahid gobolka bariga ee Punjab, ayaa sheegay in tuhmanaha, la aqoonsaday magaciisuna yahay Radwan Gujjar, Eedeysanaha ayaa ku Tuuray Baansiin Asma Yaqub iyada oo joogta gurigeeda hortiisa oo ku yaala Magaalada Sialkot, ka hor intii aanu ka cararin.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Asma Yaqub loo qaaday Isbitaalka Lahore halkaasoo ay ku dhimatay Axaddii. Wuxuu sheegay in Gujardu uu qirtay weerarka waxaana loo diray xabsiga ka dib markii maxkamadi amartay.

Weerarrada dumarka loo geysto ayaa ah qaar ay sababto diidmada guurka oo xagooda ka ah “ceeb” qoyska Pakistaniga ah, weerarrada waxaa mararka qaarkood la fuliyaa iyagoo oo u isticmaala Bambada laga Sameeyo Baatroolka ee Quraarada ah iyada oo la rabo in lagu naafeeyo ama la dilo ruuxa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso