Bush Oo Loola Cararay cusbitaalka maalin kadib Aaskii xaaskiisii!!!


Madaxwaynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa loola cararay isbitaal ku yaal Houston kadib markii uu cudurku ku fiday dhiigiisa.

Afhayeenka Qoyska reer Bush, Jim McGrath, ayaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray, madaxweynihii hore ee 93 Sanno jirka ah la dhigay Isbitaalka Houston Axaddii, maalin kadib markii xaaskiisa Barbara la aasay.

“Bush waxa u socota daaweynta sida muuqatana waa soo wanaagsanaanaya caafimaadkiisu,” McGrath ayaa ku daray warsaxaafadeedkiisa.

Bush ayaa saarnaa kursi curyaan Sabtidii oo uu ku sugnaa Aaska xaaskiisiioo dhimatay Salaasadii hore, Waxayna Wada Joogeen 73 Sanno.

Bush-ka weyn ayaa ah ka ugu da’da weyn Madaxweynaasha Maraykanka ee Nool waxaanu Xilka hayay hal xilli u dhaxaysa 1989 ilaa 1993.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso