Saddex askari oo Irani ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay xudduudka Pakistan ay la wadaagto Iran!!!

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa xaqiijiyey dhimashada sadex asakari oo ciidankooda ah iyo dhaawac weerar lagu qaaday Ilaalo Bar Kantarool Iran ah oo ku yaal xudduudda Mirjawah ee Pakistan.

“Kawdii iyo 30 daqiiqo subaxnimadii saaka, koox argagixiso ah oo ka timid Pakistan ayaa weerar ku qaaday bar xudduudka, kooxdu waxay waajahday iska caabin adag oo ka timid ciidanka Ilaalada oo ka hortagtay weerarka. “Sidaa waxa seegay bayaan ay soo saareen Ciidamadu.

Weerarku wuxuu sababay dhimashada saddex qolada weerarka soo qaaday halka kooxda intii kale oo ka mid ahi carareen Waxa kale oo dhintay Saddex Xubnood oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka halka ay dhaawacmeen laba kale ka dib markii dabin u dhigeen gaadiidkii ay wateen kooxdan weerarka soo qaaday.

Warqabdka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso