Gudaha Ka Akri Qabashada hogaamiye ka tirsan “Daacish” ee Niger oo la xidhiidha dilka afar askari oo Mareykan ah!!!


Wargeyska Nytimes ayaa warisay in ciidamada Niger ay qabteen taliye sare oo la tuhunsanaa inuu weerarey dhowr bilood ka hor geystay kaas oo lagu dilay afar askari oo Mareykan ah.

Wargeyska ayaa sheegay in koox askar Mareykan ah ay daba socotay dhul ka tirsan Niger in ka badan lix bilood ka hor, ka dib markii sirdoonka taleefannada gacanta lagu ogaaday nin ay ku sheegeen argagixiso magaciisana lagu sheegay “Dundon Shivu”, laakiin lama helin, saacado yar ka dibna waxa la dilay afar askari oo Mareykan ah Halka ay baadhistuna ay socoto.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa sheegay in ciidamadooda Niger ay xidheen bishan nin lagu soo eedeeyay inuu leeyahay sifooyinkii Chevo, oo ah hoggaamiye sare oo daacad u ah ururka “Daacish” iyo in maamulka ay ka shaqeynayaan xaqiijinta aqoonsigiisa.

Moussa Salou Baramo, oo ah madaxa ciidamada gaarka ah ee Niger, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ilaalada gobolka Niger ay xidheen laba todobaad ka hor ninkan la tuhunsa yahay gobolka Talabiri ee u dhow xudduudka Mali, kadibna waxay u gudbiyeen qaybta la dagaalanka argagixisada ee gaarka ah ee ku sugan magaalada Niamey. “Waxay weli baadhayaan oo isku dayayaan in ay aqoonsadaan qofkaas.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso