Saaruukh Qiimihiisu Yahay $ 1.4 milyan oo Maraykanku u adeegsaday Duqayntii Suuriya

Warbixino ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanku markii ugu horreysay u adeegsaday gantaal qiimihiisu yahay 1.4 milyan oo doolar, weerarkii saddex gesoodka ahaa ee lagu qaaday goobo ka mid ah dalka Suuriya, Sabtidii hore.

Saaruukha “AGM-158B JASSM-ER” ayaa Marka la gano waxa uu bartilmaameedsan karaa masaafo gaadhaysa 575 mayl, sida ay sheegtay wargeyska Daily Mail.

Wargeyska Ayaa Cadeeyey in Gantaalkan laga soo Ganay badda Mediterranean-ka B-1 Lancer,, oo ah meel istiraatiiji ah oo ay isticmaalaan Ciidamada Cirka Maraykanka.

Waxa la sheegay in Maraykanku 85 gantaal ku tuuray goobo lagu tuhunsanaa hubka kiimikada ah ee Suuriya, waxana uu ka soo riday saddex Maraakab, submarin Iyo P-1Lancer .

Gantaalka ayaa la adeegsadey Sanadii 2014 intii lagu jiray tababar iyo dhoola tus millatariga Mareykanka, laakiin tani waa markii ugu horeysay ee loo adeegsado dagaal.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso