Iran : Oo ka mamnuucday Iskuulada shabakadaha bulshada ee Dibada laga Leeyahay !!!

Xukuumadda Iran ayaa go’aansatay in ay dugsiyada ka joojiso isticmaalka shabakadaha bulshada ee shisheeye, sida ay sheegtay Wakaalada ILNA, halka Tehran ay rabto in la xoojiyo shabakadaha gudaha si loo yareeyo saameynta dalabka telegram iyo Ingram.

Wakaaladda ayaa ka soo xigatay wasaaradda in dugsiyada ay tahay in ay “isticmaalaan kaliya shabakadaha bulshada gudaha” ee isgaadhsiinta.

Isticmaalka Telegram wuxuu caan ka yahay Iran. Sanadka 2017, tirade dadka isticmaala waxay ahayd 40 milyan bishii sidoo kale Instagram ayaa ah mid aad u xoogan.

Barahan ayaaa waxaa isticmaala shirkado badan oo si toos ah ula xidhiidha macaamiishooda.

Bilihii ugu dambeeyay, baro badan oo Iran ah ayaa la sameeyay kuwaas oo bixiya adeegyo isku mid ah sida Telegram, sida Sorosh, oo leh shan Milyan oo macaamiil ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso