Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka : Assad kama mid noqon karo qaybaha xalka Syria


Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Haikou Mas ayaa sheegay in colaada Suuriya ay u baahan tahay xal wadahadal oo ay ku lug leeyihiin dhammaan quwada gobolka.

Mas ayaa sheegay inuusan malayn karin in qof u isticmaalay hubka kiimikada Dadkiisa iyo Shacbigiisa inuu ka qayb noqdo hannaanka Wada hadalka.

“Waxaa jiri doona xal la xidhiidha dhammaan kuwa saamaynta ku leh gobolka,” ayuu u sheegay warfidiyeenka markii uu soo gaadhay Magaalada Brussels si uu uga qaybgalo kulan wasiirada arrimaha dibedda ee Midowga Yurub .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso