Dimishiq: Jawaabtayada ku saabsan “gardarrada” waxaanu soo ridnay 13 gantaal

Dawladda Suuriya ayaa Sabtida Saaka sheegtay in “gardarrada” Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska aysan gaadhin ujeedooyinkooda gantaaladii lagu soo ridayna la burburiyay.

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah (SANA) ee ku hadasha Afka Xukuumada ayaa warisay in 13 gantaal la soo riday kuwaas oo lagu soo tuuray aagga Kaswa oo ku taala bariga magaalada Dimishiq.

“Saddexda Dal ee Wada gardarada ka dhanka ah Suuriya waa xadgudub aad u daran oo ku saabsan sharciga caalamiga ah iyo jebinta rabitaanka bulshada caalamka waxayna noqon doonto mid fashilantay.”

Waxay intaas ku dartay in tiro fara badan oo gantaal ah ay burburiyeen xarun cilmi baadhis ah oo ku taala Barza waxayna burburisay qalab kaliya, taas oo muujinaysa in noloshu caadi tahay Dimishiq Sida uu sheegay Tv ga afka Dawladu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso