Moscow oo Sheegtay in La Ihaaneeyey Putin iyo cawaaqibka ka imanaya weerarka Syria

Danjiraha Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa masuuliyada wixii ka yimaada Weerarka Lagu Qaaday Suuriya ay qaadayaan Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Safiirka ayaa sheegay in weerarradu ay keeneen cabsida ugu daran waxayna qaadayaan cawaaqibkeeda, isaga oo intaa ku daray in wixii dhacay ay ahayd horudhac qorshaysan.

“Waa wax aan la aqbali karin in lagu Ihaaneeyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,” ayuu yidhi Antonov.

Waxa uu sheegay in Washington “aysan lahayn sabab macquul ku fadhiya oo ay u duqeeyaan xukuumadda Suuriya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso