Wasiirada Arimaha Dibada Carabta oo Cambaareeyey Turkiga iyo Iran


Wasiirada arrimaha dibedda ee Carabta Shirkooda Riyadh ayaa cambaareeyay hawlgalka milatari ee Turkiga ee Afrin iyo “faragelinta Iran” ee arrimaha wadamada Carabta.

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee AP Qaraarka Shirka Wasiirada Carabta ayaa ay ku sheegeen inay diidan yihin Hawlgalka Turkiga ee Waqooyiga Suuriya.

Waxay sidoo kale dhalleeceeynayaan Hawlgalka Milatari ee ka socda bariga Ghouta, maalmo kadib markii weerarkii kiimikada ahaa ee laga geystay Douma ee u dhaw Dimishiq.

Dhanka kale, wasiirrada ayaa dib u cusbooneysiiyay cambaareyntooda waxa ay ugu yeedhaan “faragelinta Iran” ee arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan Suuriya, halkaas oo ay Iran taageerto xukuumadda Suuriya, sidoo kale waxay ku eedeeyeen Tehran in ay taageersan yihiin Houthis, oo Iran ay beeniso.

Arrimaha Falastiiniyiinta, ayaa wasiirradii Carabtu ku celiyeen inay diidan yihiin go’aankii Maraykanka ee ahaa in safaaradda maraykanka ay u wareejiso magaalada Qudus, iyaga oo sheegay in ay tahay mid baadil ah ayna tahay “xadgudub daran ee sharciga caalamiga ah, Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.”

Wasiirada ayaa ku nuuxnuuxsaday in magaalada Qudus tahay “caasimadda Falastiiniyiinta,” iyagoo sheegay in $ 100 milyan oo bil ah ay ku taageerayaan dowladda Falastiin si ay isaga fududeeyaan cadaadiska maaliyadeed iyo dhibaatooyinka maaliyadeed.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso