Jiirar Lagu Waayay (Dambi) In ay Cuneen Nus Tan Xashiishada Marijuana

Siddeed askari oo boolis ah ayaa shaqadii laga ceydhiyay ka dib markii ay ku doodeen in jiir cunay Nus Tan Xashiishada Marijuana laga waayay saldhig booliis oo ku yaal magaalada Pilar ee Buenos Aires.

Dhacdada ayaa la ogaaday intii lagu guda jiray baadhitaanka saldhigga bilayska, sida lagu sheegay wargayska Guardian.

Marijuana ayaa ku jiray khasnada saldhigga booliska muddo laba sano ah, laakiin xilligii kormeerka waxaa la ogaaday in xadiga Diiwaangashanaa oo ahaa 6,000 oo kilo oo marijuana ay noqotay 5,000 iyo 460 kilo.

Shakiga ayaa ku wareegaya taliyihii hore ee bilayska magaalada Javier Spice, markii uu ka tagay xafiiska April 2017.

Guddoomiyaha cusub, Emilio Protro, ayaa sheegay in yaraanta kaydka marijuana ay ku wargelisay amarka qaybta gudaha, taas oo markaa kormeeraysay saldhigga bilayska, sida uu sheegay Wakaalada “Spontec”.

Spice iyo sadex sarkaal ayaa hortagay garsoore,waxayna u sheegeen in Kimiyada Marjuana maqan uu cunay jiir Laakiin khabiirada sharciga ayaa sheegay in ay shaki ka qabaan jiirka inuu cunay qadarka intaa leeg.

“Khubrada Jaamacada Buenos Aires ayaa cadeeyey in Jiirku aanu cunin Marijuana Cuntana aanu ka dhigan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Garsooraha Kiiska Haya. “Haddii jiir ay cuneen, waxaa jiri lahaa bakhtiga jiirka oo goobta lagu arko.”

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso