Bukaan Qaba Xanuunka kansarka oo Maxkamadi u Xukuntay $ 117 milyan Ka dib Markii uu Ka Qaaday Xanuunka Bootarka carruurta!!!!

Shirkadda Johnson And Johnson ayaa lagu xukumay laguna amray in ay bixiyaan $ 80 milyan oo dheeri ah oo la siinayo nin la sheegay In Bootarka Caruurtu ku keenay kansar, Halka Lacagtu guud ahaan loo xukumay ay tahay $ 117 million, Sida ay Qortay Wargeyska Daily Mail.

Steven Lanzo, oo 46 sano jir ah, ayaa dacwad ku soo oogay shirkadda kadib markii la ogaaday inuu qaaday Xanuunka Kansarka sanadkii 2016-ka, isaga oo sheegay in uu Sababay Bootarka oo uu isticmaalayay in ka badan 30 sano.

Dacwad ay soo gudbiyeen Lanzo iyo xaaskiisa Kendra, ayaa sheegay in shirkadu ogayd in alaabtoodu ay sumaysnayd ayna sababtay kansar, laakiin ma aysan waxba ka qabanin in ay u digaan macaamiisha.

Toddobaadkii hore maxkamad ayaa iyana u xukuntay $ 30 milyan oo doolar Lanzo, oo ka shaqeeya bangi ku yaal New Jersey, halka ay 7 milyan oo kale u xukuntay xaaskiisa .

Lacagta loo xukumay bukaanka ayaa labanlaabay in ka badan saddex jeer Arbacadii markii maxkamada ay amar ku bixisay $ 80 milyan oo dheeraad ah ninkan in la siiyo oo Cawad Celin ah.

Shirkadda ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunka waxayna sii wadi doontaa inay difaacdo ammaanka alaabteeda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso