Boolis Dheeraad Ah Oo lasoo Dhoobay London

(Toggaherer)-Boolis Dheeraad Ah Oo lasoo Dhoobay London.

Booliska London.

Ciidamo badan oo gaaraya saddex boqol oo boolis ah ayaa lasoo dhoobay magaala madaxda Britain ee London, si ay uga hortagaan weerarada loo adeegsado mindiyaha ama toorida iyo weerarada kale oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay London.

Baaritaano ku saabsan dilka shan ruux oo lagu dilay London ayaa imika ka socda Britain, waxaana dilalka qorsheysan ee bishii Maarso ka dhacay caasimmada Britain la sheegay inay ka badanyihiin kuwa bil walba ka dhaca magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Dadka ku dhintay weerarada ka dhacay London ayaa waxaa kamid ah gabar 17 sanno jir, taasi oo loo adeegsaday rasaas xili ay la sheekesaneysay saaxiibadeeda.

Muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayo laamaha ammaanka ee Britain ee ah inay adeegsadaan awood, si ay u baraan dadka looga shakiyo inay ku lug leeyihiin fal dambiyeedyada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso