Buntilaan iyo Afduubka: Dhaqan Ceeb ka ah Hargeysa iyo Caalamka, Garoowena Caan Ku Tahay!

Buntilaan iyo Afduubka: Dhaqan Ceeb ka ah Hargeysa iyo Caalamka, Garoowena Caan Ku Tahay!

Hilaad aan filayo inay 2010kii ahayd ayaa Somaliland lagu xidhay budhcad-badeed ka soo jeeda Buntilaan. Waa niman geesiyaal ahe, waxa ay qafaasheen gaadiid raashin siday oo Somaliland laga leeyahay. Waxa la is-dhaafsaday gawaadhidii iyo raggii shufatada badda ahaa. Is-weydaarsigaasi waxa uu dhacay iyada oo uu muddo kooban xilka hayay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Baabuurta waxa lagu hayay deegaanka Garacad.

 

Dabayaaqadii 2010ka waxa ay ciidan Buntilaan daacad u ahi jidgooyo u galeen wefdi Somaliland ah oo ku socda Taleex. Waxa la soo daayay markii ay halkaas in muddo ah ku jireen. Dadkaas waxa ka mid aaa suxufi Mustafe Maxamed Nuur (Mustafe Dheereeye), waxa fara-ciddidood ku fakaday Wasiirka Biyaha JSL Saleebaan Cali Koore oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Wakiillada

 

26kii Disember 2014ka, waxa ay askarta Buntilaan xabsiga dhigeen Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid. Waxa la sii daayay markii uu halkaas tegay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir oo Garoowe ku sugnaa 42 cisho. Waxa Suldaanka la socday Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Xaaji Cabdi-Laangadhe. Lix bilood iyo dheer ayuu gabayaagu ku jiray xabsi ku yaalla Boosaaso. Cabdiwaaxid Cali Gamadiid waxa uu dhacdada ka allifay gabay ku faafay daafaha dunida.

 

15kii Oktoobar 2007da oo ay Somaliland la wareegtay maamulka magaalada Laascaanood, waxa waayadaas oognaa xiisad u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya (Puntland). Qaar ka mid ah dadka Somaliland ayaa qori jiray dhawr fal oo Somaliland iyo dunida ceeb ka ah, dhanka Buntilaanna caan ka ah.

 

Waxa ka mid ahaa:

1.    Suudalka dadka (tahriibka)

2.    Lacagta been-abuurka ah

3.    Qabsashada xarumaha dawliga ah

4.    Af-duubka maraakiibta

5.    Jebinta bangiyada

6.    Gadoodka askarta

Ku dara kuwa aan illaaway!

 

Waxa dharaarahan Buntilaan ku soo kordhaya afduubka dadka rayidka ah iyo kufsiga foosha-xun ee lagula kaco haweenka. Waxa aan cod dheer ku cambaaraynayaa ardayda 1dii Abril 2018ka lagu qafaashay degaannada Buntilaand. Waxa aan ku baaqayaa in si dhakhso ah loogu celiyo xorriyaddooda. Isu-socodka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waa mid furan, tallaabooyinka noocaas ahina waxa ay curin karaan cadaawad ka dhex curata labada shacab ee walaalaha ah.

 

Furdaaminta ardayda la-haysteyaasha ah waxa uu xil ka saaran yahay madax-dhaqameedka iyo maamulka Buntilaan. Dhambaalkani ma aha ceebayn, waa toosin. Waa laga garaabi karaa xidhitaanka qof eedaysane ah, waxaana sii-deyntiisa loo maraa hababka dhaqanka iyo dawliga ah. Kolna lama taageeri karo in madax-furasho ama cadaadis awgii loo kaxaysto qof shacab ah oo aan waxba galabsannin.

 

Iyada oo ay shacabku weydiimo toos ah BBCda uga gudbinayaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sannadkii 2006da ayuu soo galay nin la yidhaahdo Siciid-Gaaggaale “Waxa aan ahay reer Buntilaan, kolka aan u safraynno Itoobiya ee aan dhex maraynno Somaliland, askartu waa ay na dhibaan kolkay af-gurigayaga (lahjaddayada) gartaan, arrinkaas maxaa sabab u ah?” ayuu yidhi. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu yidhi “Hore uma maqlin arrinkaas. Laakiin wax waanu ka qaban doonnaa insha Allah”. Garaadka fayoobi miyuu oggolaan karaa waxyeellada cid aan gef samaynnin?

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

siciidgahayr@gmail.com,saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso