Nin Hubaysan Oo Dad Ku laayay jaamacad Turkiga ku Taalla

(Toggaherer)-Nin Hubaysan Oo Dad Ku laayay jaamacad Turkiga ku Taalla.

 

Nin hubaysaQofka weerarka gaystay ayaa booliiska isu soo dhiibay inkastoo uu markii hore isku dayay in uu baxsado sida ay warbaahinta dalkaasi ku warrantayn ayaa toogasho ku laayay dad u shaqaynayay jaamacad ku taalla magaalada Eskisehir ee dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninka dhibka gaystay uu cilmi baadhe ka yahay jaamacadda Osmangazi haddana la xiray.

Dadka la dilay waxay kala ahaayeen ku xigeen waaxeed, xog haye iyo labo macallin, saddex ruux oo kale ayaa weerarkaas ku dhaawacmay sida ay ku warrantay warbaahinta CNN Turk.

Ma cadda waxa ninkan ku qaaday in uu dadka laayo, balse hadda waxaa su’aalo waydiinaya booliiska.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in ninka weerarka gaystay uu isku dayay in uu baxsado, balse uu markii dambe isa soo dhiibay, warbaahinta dawladduna waxay ninkaas ku magacawday Volkan B.

Advertisement

Ku Xayeysiiso