Bilyaneer Imaaraati ah oo ku baaqay nabada Israel Ayna Tahay In Carabi xaqiiqda Aqbasho!!!

Ganacsadaha Imaaraatka Khalaf Al Habtoor ayaa ugu baaqay Carabta in ay joojiyaan diidmada ka qaybgalka Israa’iil ee munaasabadaha cayaaraha ee lagu qabto waddamada Carabta.

“Carab ahaan waxa inagu waajib ah in aynaan diidin ka qayb qaadashada dhalinyarada Israel ee dhacdooyinka cayaaraha ee gobolka,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

“Israa’iil waa ay jirta, waana ta dhabta ah ee ay tahay in aynu la macaamilno,” ayuu yidhi.

Al Habtoor ayaa carabka ku adkeeyay in Carabtu, haddii ay doonayaan nabadda, waa in ay caddeeyaan, oo ay joojiyaan bixinta wicitaanada faafinta diidmada ah oo ah, ta kaliya ee keenaysa nacaybka.

Ganacsadahan Imaaraatika ah ayaa sheegay in maskaxada hadda jirta ay tahay in la hadlo iyo in erayada Munaafiqiinta iyo kuwa been-abuurka ah aan la iska indhatirin oo la dhaafo.

Al Habtoor waa qof caan ah oo Imaaraadka Carabta u dhashay, waxaanu galaangal badan ku leeyahay siyaasadeed ee xukunka ee Abu Dhabi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso