Ha Xad-Gudbin Hana Bakhaylin! Kadim M Ali

 

 

 

 

 

 

Maqaalkan waxaynu si kooban ugu soo bandhigaynaa qiimaha uu leeyahay samafalku. Inaga oo tusaalayaal kooban ka soo qaadanayna Quraanka iyo sunnaha rasuulkeena SCW.
Sama falka haddi aynu si kooban u sharaxno waxa uu noqonayaa: deeqsinimo ka hortagaysa bakhaylnimo , iyo caawimo inaga hor istaagaysa dhib af ama gacan ah inaynu bulshada gaadhsiino.

Marka kale haddaynu dhinac kale ka eegno. Samo-falku waa lid-ka labadan arrimood:

  • Sama-falku waa in aanad waxa ALLE kugu manaystay aanad bulshada kala bakhaylin ee aad ku caawiso.
  • Sama- falku waa in waxa ALLE kugu manaystay aanay sabab u noqon inaad  dulmi iyo xad-gudub aad bulshada kula kacdo.

Sidaa darteed galadaha ALLE  inagu manaysatay ee noocyada badan leh sida lacagta , aqoonta , xilka , IWM . Yaanay inaga dhigin dad bulshada kala bakhayla ama ku dhiba.Balse aynu noqono qaar is taakuleeya ALLENA ajar iyo naxariis ka rajeeya!

 

Qaybta hore ee maqaalka waxaynu ku bilaabaynaa Quraanka Kariimka ah.

AL BAQARA 195 
ALLE waxa uu ina farayaa inaynu samaha iyo waxa kasta oo wanaagsan samayntiisa ku dedaalno. Waxaana ALLE inoogu cadeeyay isla aayadaas in ALLE jecelyahay samo-falayaasha. Taas oo dhiirigalin inoogu filan.

  AL ACRAAF 56


Aayadan ALLE waxa uu inoo cadaynayaa in naxariistiisu ay u dhawdahay dadka sama-fala. Sidaa darteed waa inuu wanaageenu ALLE dartii ahaado. Walaalaheena muslimkana caawino inta karaankeena ah.

Sidoo kale waxa aayadan ku cad laba shay:
1- In qofku markasta oo uu badiyo samo- falka uu la imanayo sida cibaadadiisa, naftiisa iyo bulshadaba. Waxaana uu aad ugu dhawaanayaa inuu helo naxariista ALLE.
2- Aayadan waxa dhiirigalin inoogu tahay inaynu noqono samo-falayaal.

 

 

 

 

 

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa saddex xadiis oo ka hadlaya samo-falka.

Xadiiska 1aad. (Q1aad)

Qofkii walaalkii wax ku anfaci karaa ha ku anfaco”. 
Xadiiskan waxa laga fahmaya in cidkasta oo walaalkiisa muslimka ah waxa u qaban kara in aanu ka hakran.Waxtarkaas noocyadiisa lama soo koobi karo.Laakinse qofku waa inuu markasta diyaar u ahaadaa inuu caawiyo qof muslim ah goobkasta iyo goor kasta.

 

 

Suaa’l kooban. 
Maxaan anigu ka dheefayaa hadaan walaalkayga muslimka ah caawiyo?

1- Waxaad noqonaysaa mid u hogaansamay amarka Rasuulka SCW. Qofka amarka rasuulka SCW adeecana waxa uu la mid yahay qof ALLE amarkiisa u hogaansamay. Waxaanad ku helaysaa ajar la mid ah ka adeecida ALLE aad ku helaysid!
(AL NISAA 80)

2- Waxaanad ku helaysaa adeecista Rasuulka, hanuunka uu ALLE kugu hanuunin doono jidka toosan ee ALLE ku hanuuniyo cida Rasuulkiisa amarkiisa u hogaansata.
(Al-nuur 54)

3- Cida amarka ALLE iyo Rasuulkiisa u hogaansataa waxay la jirankooda noqon doonaan NABIYIINTA,SIDIIQIINTA,SHUHADADA iyo DADKA WANAAGSAN.
(Al-Nisaa 69)

 

(Xadiiska 2aad)  

Wanaag kasta oo aad la timaadaa waa sadaqo”. Waxaana uu leeyahay ajarka sadaqado hadaad niyaysato. Samaha iyo wanaaga noocyadooda iyo tiradooda lama soo koobi karo.

Faaidooyinka xadiiska 2aad waxa ka mid ah:
1- In la isku dhiirigaliyo samaynta wanaaga iyo in aan khayrka iyo samaha la yaraysan tiro iyo nooc ahaan.
2- Samahu waa laba nooc mid ficil u baahan iyo mid hadal kaliya u baahan ama qaar labadaba u baahan.
3- Sidoo kale xadiiskan waxaynu ka baran karnaa fudaydka diinta iyo sida ay samaynta samahu ay u gaadhay dadka oo dhan.

Waayo samaynta samaha iyo wanaagu kaliya uma gaara ah cida lacag, maal ama xil haysa. Laakinse waa mid qofkastaa uu samayn karo noocyo ka mid ah samaha sida DIKRIGA , LA TALINTA AZXAPTA , KA FARXSIINTA QOF MURUGAYSAN ,TILMAAMINTA QOF ASQOOBAY OO MEESHII UU SOCDAY GARAN’LA , IWM.
 

 

Xadiiska 3aad 


Ma doonaysaa in ALLE ku jeclaado?

ALLE dadka waxa uu ugu jecelyahay kuwooda ugu waxtarka iyo anfaca badan adoomihiisa”. Acmaasha dadka lagu anfacana waxa uu ugu jecelyahay ka farxinta qof muslim ah”. Sidaa darteed cidii rabta in ALLE jeclaado adoomaha ALLE ha caawiyaan inta karaankooda ah.

Ugu dambayntii maqaalkan kooban oo xasuusin iyo dhiirgalin inoogu noqon kara sidii aynu la imaanshaha samaha marka ugu dadaali lahayn. Sidoo kalena maqaalkani waxa uu hordhac u yahay maqaal kale oo aynu mustaqbalka qaadan doono haddii EEBE idmo.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay:
تفسير السعدى 

https://www.almaany.com/ar/thes/ar-ar/إحسان/

https://ar.islamway.net/spotlight/1132

 

F.G

Saaxiibayaal bishan waxaynu qaadanaynaa hal maqaal oo kaliya!

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

http://Www.Medium.com/@Kadim

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso