Maamulka Taagta dar’an ee Sheegta Federalka Somalia oo sheegay kuna tilmaantay heshiiska Sadex geesoodka Somaliland ,Itoobiya iyo Dp World mid lidi ku ah wax uu ugu yeedhay qaranimada dalka

Maamulka taagta daran ee Somalia ayaa sharci daro ku tilmaantay heshiis shalay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadku ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Somaliland , dowladda Itoobiya iyo Shirkada DP World, kaasoo qeexaya in dowladda Itoobiya ay saami ku yeelato dekada magaalada Berbera.

Heshiiskaas ayaa loo fadhiyay muddo dhowr maalmood ah, waxaana ugu dambeyn la isku raacay in 51% saamiga horumarinta dekedda yeelato shirkadda DP World, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay maamulka meel uu ka taliyaa jirin Wasaaradiisa Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ugu magacaaban ayaa soo saaray War-saxaafadeed iyadoo heshiiskaas ku tilmaantay mid lidi ku ah qaranimada wax uu ugu yeedhay dalka iyo shuruucda caalamiga ah .

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidatan:-.

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay inuu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxaay caddeynaysaa;

In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah, waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa inay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso