Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee Dekeda Berbera Waa Guul u soo Hoyatay Qaranka Somaliland

 

Waar yaa yidhi may Dhaqaaqin!

Dekada Berbera oo Sanado badan u Rabbi tuugaysay in ay maalin uun hesho Meeqaamkii iyo Miisaankii ay ku lahayd Dunida ayaa maanta u muuqata inay qarka u saaran tahay gaadhida Yoolka Guusha.

Shacbi iyo Xukuumadba waxaa inagu waajib ah inaynu ka faaiidaysano Isbedelada Xawliga ku socda ee Rabbi keenka ah ee mandiqadeena ka socda. Been muu ahayn Hal-hayskii Carbeed ee ahaaa ” Masaaibul Qawmin, cindal Qowmul fawaa’id” oo ka dhigan Masiibada Qolo ku dhacdaa Qolo kale ayay Faaiido u tahay. 

Inaga shaqadeena maaha waxna inagama khuseeyaan muranka u dhexeeya Jabuuti iyo DP World, ama ha is dilaan ama ha heshiiyaan ama maxkamado ha isla koraan taasi waa hawl iyaga u taalla, Inaga Danteenu waa inaynu Albaabada u balaqno oo aynu si diirran oo kal iyo laab ah usoo dhawayno Shirkada DP World oo aynu ku qancino inay Xaruntooda ugu weyn ee Africa ay ka dhistaan Berbera. Maalgashi balaadhana ku sameeyaan Dalkeena Barakaysan. Fursadaas soo Baxday yay ina seegin DP World halla soo dhaweeyo.

27 Sanadood oo Qarankeenu jiray wax ina baayacaba maynu arag ! Heshiiskan maantu waxa uu inoo yeelli doonaa Weji cusub oo aynaan maanta lahayn waxaana muuqan doona miisaanka aynu ku leenahay Dunida kaasoo Muftaax u noqon doona Aqoonsiga iyo Horumarka aynu higsanaynay. Waa inaynu ka gudubnaa Gaajada aynu gaadhka ka hayno iyo lulista budhka Qabyaalada iyo Jahliga ee aynu ku hortaagnayn ka faaiidaysiga Khayraadka DalKeena, waa inaynu u yeedhano cid kasta oo wax inala qabsan karta, waa inaynu u hawl galno cid Warshada Sibidhka ee Berbera inala dhisata, shidaalka iyo macdanta inala soo saarta oo aynu is garabsano, sidaas aynu horumar ku gaadhi karnaa.

Waa in aynu fadhiga ka kacnaa oo aynu Dunida wax la qabsanaa, Waxaa Waajib inagu ah in Xoolaha Dalkeenu ay Dekeda Berbera ka dhoofaan loona hawl galaa sidii loo soo afjari lahaa Xayiraada Dulmiga ah ee Xoolaheena uu Sucuudigu saaray taasoo ah Xayiraad Siyaasadeed balse aan ahayn Xayiraad Caafimaad, maadaana uu Sucuudigu og yahay in Xoolaha Dekeda Jabuuti ka dhoofaa ay yihiin Xoolihii Somaliland ka yimi. hadii uu cudur ku og yahayna aanuu ogolaadeen. Waa inaynu Dalka Imaaraadka la kaashanaa Xayiraad ka qaadista Xoolaheena maadaama uu Xidhiidh weyni inaga dhexeeyo, ugu danbayn waa inaynu dhamaanteen taageernaa furasadaas Allaha Awwooda badani uu maanta gacanta inoo soo geliyay.

U cusha dhiilasha iyo hadhuubyada, faqriga waynu ka bixi doonaa maalin aan fogayn Insha Allahu Tacaalaaye.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamioga ah ee Somaliland 

Advertisement

Ku Xayeysiiso