War Deg Deg ah : Ciidamada Al-shabaab oo gudaha u galay Magaalada Balcad

wararka ka imaanaya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Al- Shabaab ay dagaal kula wareegeen qaybo ka mid ah degmada Balcad oo qiyaastii 30 KM Muqdisho uga beegan dhanka waqooyi.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahan ay gudaha ugaleen magaalada ayna lawreegeen xarumaha maamulka degmada iyo koontaroollada laga soo galo,sidoo kale waxay maxaabiis ka sii daayeen saldhiga Booliska.

Geesta kale Dagaal culus ayaa ka dhacay wadada xidhiidhisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso