“Waxaan diyaar u nahay in aan kula hadlo, laakiin kuma daba carari doono, go’aankayaga aan ku wareejineyno Safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus ma doonayno in aad nagu amaanto, xitaa inaad aqbasho ma rabno, laakiin waa inaad ogaataa Mid Qaraarkan in aanu isbedelayn” Nicky Healy oo Ka Daba Tuurtay Madaxweyne Cabaas


Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Washington, Nicky Healy, ayaa ku dhaleeceeysay bixitaanka madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas ee kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo aanu dhagaysan hadalkeeda.

“Waan ka xumahay in Madaxweyne Cabaas ka baxay fadhiga Golaha Ammaanka isaga oo aan na dhageysan waanu soo dhaweynay hoggaamiyaha dadka Falastiiniyiinta ah,” ayuu tidhi Haley.

“Laakiin ma aqbali doono talada mid ka mid ah ergada sare, Saeb Erekat, markii uu i waydiistay inaan aamuso” markii ay dhaleeceesay Abbas. “Anigu waxaan ku sheegi doonaa codka ugu dheer inaan ku dhawaaqo xaqiiqooyinka adag.”

“Waxaan aqoonsaneynaa dhibaatada Falastiiniyiinta, waxaanu u fidinaynaa gacmahayaga hoggaaminta Falastiiniyiinta si nabad loo helo” ayay tidhi.

“Waxaan diyaar u nahay in aan kula hadlo, laakiin kuma daba carari doono, go’aankayaga aan ku wareejineyno Safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus ma doonayno in aad nagu amaanto, xitaa inaad aqbasho ma rabno, laakiin waa inaad ogaataa mid Qaraarkan in aanu isbedelayn” ayay u sheegtay Madaxweyne Abbas, iyada oo gadaalna ay ka fadhiyaan Ergeyga Trump ee gobolka, Jason Greenblatt iyo la-taliyaha madaxweynaha Sodog-na uu u yahay Jared Kouchner.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso