Shir Ay Iskugu Yimaadeen Dhamaan Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga Oo Ka Qabsoomay Xarrunta Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL.

Hargaysa (ToggaHerer)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Maxamed kaahin Axmed ayaa Maanta Si rasmiya U Furay shirka Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga (Good Governance Sector) kaasi oo Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Shirkan Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Wasaarada Cadaalada , Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuur , Wasaarada Arrimaha Dibada , Ciidanka Boliska , Ciidanka Socdaalka , Dab-Damiska, Waxaaha Ku Shaqada Leh Maamul Wanaaga Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Dhamaan Bahwadaagta Ku Midawday Maamul Wanaaga (Good Governance Sector)

Dhanka Bulshada Caalamka (International Community ) Waxa Matalaayay Masuulka Ugu Sareeya Safaarada Engiriis , Madaxa Haayada Danida , Iyo Waliba UN SOM, UNDP, UN-HABITAT, EU REPRESENTATIVES, MAX PLANCK, German, Civil Sociaty Iyo Dhamaan Hay’adaha Dawlada Ee Ku Midoobay

Hadaf Ka Ugu Wayn Ee Shirku Waxa Uu Ahaa In Laysku Xog Waraysto oo Laysla Gorfeeyo Lagana Wada Tashado Sida Ugu Haboon Ee Ay Bahwadaagtu U Fulin Lahayd Qorshaha Horumarinta Qaranka Qaybta Labaad (National Development Plan II) Iyo Doorka Ay Ka Qaadan Karaan Bulshada Caalamku Fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan)

Shirkan oo qaatay saacado kooban ayaa kusoo dhamaaday jawi qurux badan waxaana la isla qaatay sidii loo hir galinlahaa tayeynta iyo kor u qaadida Maamul Wanaaga

Advertisement

Ku Xayeysiiso