Hogaamiye Catalan ah oo u baxsatay Switzerland iyada oo ka carartay maxkamadeynta Spain

Xildhibaan hore ee Catalonia iyo hoggaamiye madaxbanaanida Catalonia ee Spain Anna Gabrielle ayaa u carartay dalka Swiserland ka hor inta aan la dhagaysan dacwad maxkamada iyada oo ka baqaysa in maxkamaddu ay noqoto mid aan cadaalad ahayn.
Wareysi uu la yeeshay telefishanka Swiss RTS, Gabriel ayaa dalbatay magangalyo Switzerland .

Sida laga soo xigtay Wakaalada France-Presse, Maxkamad Isbaanish ah ayaa laga yaabaa in ay soo saarto amar lagu soo xidhaayo haddii Gabrielle aanay ka soo muuqan dhageysiga maxkamada Arbacada.

Hogaamiyahan Catalonia, ayaa ah hoggaamiyaha lixaad ee gobalka ee baxsada bilihii la soo dhaafay si ay uga baxsadaan xukuno lagu rido.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso