Cabashadii yaabka badneyd! Sheeko xiiso badan

Cabashadii yaabka badneyd!
Sheeko xiiso badan
Dalkeena Somaliland waxa ilaahay ku abuuray noole iyo ma noole, noolaha waxa ka mid ah dadka dhirta iyo xayawaanka. Manoolaha waa inta soo hadha ee aan nooleyn sida buuraha, dhulka, daaraha iwm.

Hadaba shir yaab badan aya waxaa iskugu yimi qaar ka mid ah noolaha iyo manoolaha Somaliland, marka laga reebo dadka. Shirkan wuxuu daarnaa cabasho lagaga cabanayo dadka bini aadanka ah ee ku nool Somaliland.

Shirka waxaa iskugu yimi intan soo socota:

Daaraha, Buuraha, Dhirta, xoolaha,Badda,Dhulka,Cadaaladda iyo Hantida.

Shirkii markuu furmay waxaa loo gudbay nuxurkii shirka, waxaa laga codsaday xubnaha shirka fadhiya inay mid mid u sheegaan cabashada ay bini aadanka kaga cabanayaan. Hadalka waxa lo qaadanayay sida loo kala weyn yahay, waxaa hadalkii u baxay oo bilaabay Badda oo ahayd ta ugu weyn inta shirka fadhida.

Baddii: way cabatay oo waxay tidhi bini aadankan ku nool dalkeena Somaliland ima manaafacsadaan oo kheyraadka iga buuxa aad uma cunaan, waxaan la liiitaa oo dhibaato igu haya kaluunkii oo igu faro batay iyo noolihii kale , waxaan maqlay waliba in dadkeyga in badan ay gaajoonayaan waxan so jeedinaya in manaafacaadka igu jira ay isticmaalaan dadkeyga si cidhiidhiga aan dareemayo iiga khafiifo.

Dhulkii Baa ku xigay oo hadlay, wuxu yidhi, waxan ka cabanaya anigoo baxaaddaa leh ayay bini aadankii igu dul noolaa dhul yar ay isku dilayaan oo dhiig ay ku daadinayaan. mar walba waxan la yaabanahay sida aan u weynahay iyo nimcada igu jirta iyo sida dadkeygii looga qariyey. waa in si waafi ah la ii isticmaalaa si qof walba uu u helo dhul ku filan.

Daarihii: baa hadlay , anigoo ah daarta ugu weyn daaraha somaliland magaceyguna yahay madaxtooyada dalka, waxaan la yaabay cadaalad darada beesha dhexe, afartii madaxweyne ee soo galay madaxtooyada mid walba wuxuu dhinacyada iska dhigay gacan yara yaal iyo la taliye yaal beeshiisa ah waan adkeysan waayey waxaa cadaalad daro la igu soo waday 27 sano. Is badal baan u baahanahay cadaalad ah.

Xoolihii: baa hadlay.: Hadaanu nahay xoolaha waxaanu ka cabaneynaa dadka na leh ee na dhaqda , waanu isku dul gaajoonay siday noo raacayeen anagana socod dheer iyo haraad ba na dilay dadkii na lahaana gaajo iyo haraad bay kow la noqdeen , waxaanu isla noqonay xoolo xoolo wata, waa in ay dadku keenaan caqli wanaagsan anaguna aanu manfac ku yeelano iyaguna ay ku dhargaan.

Dhirtii: dhirtii ba hadashay oo tidhi yaabka aanu la yaabanahay waa dadkii somaliland oo illaahay ka baryaya roob laakiin aan haysan caqligii roobka lagu keeni lahaa , maalin walba waxaa nalaga gubaa 200 oo geed hadaanu nahay dhirta somalland ku taala, hadii dadku ay rabaan roob faro badan waa in ay marka hore joojiyaan gubista ay na gubayaan.

Buurihii: buurihii waxay sheegeen in mushkilad weyn ay haysato kuye waanu gubaneynaa waxaanu la gubaneynaa macdantii iyo birihii nagu jiray ayaanu weynay cid naga saarta, kuleel baa nagu shidan waxaanu dadka u sheegeynaa in ay naga guraan macdantan iyo birahan kuleeelka no keenaya, si aanu u helno nafis iyo qabow

Hantida: Hantida somaliland taala ba iyana hadashay waxay tidhi cadaalad daro badan oo uu bini aadanku isku hayo ayaan la aamusi waayey, waa in aan hadlaa oo u sheegaa dadka , hanti hadaanu nahay 10 qof oo kaliya baa xoog nagu haysta, dadka intii kale waxba ma hayaan, ganacsi yar iyo mid weyn ba waxaa isku darsaday 10 ka qof ee na haysta, waxaan dadka u sheegeynaa in ay cadaalad u baahan yihiin si tijaartu ay u joojiyaan ganacsiga yar yar.

Cadaaladii: ugu danbeyntii shirka waxaa ka hadashay cadaaladii waxay tidhi cabashadiina waan dhagaystay dhamaantiin, meel walbana cabashaa taala xitaa aniga oo ah cadaaladd ayaa cabanaya , waxaan is weydiiyaa oo aan ka cabanaya maxkamadaha aan xukumo in aan waligood lagu xukumin qof taajir ah iyo qof madax ah oo xil hayey. taasaa la yaabaa oo war war igu haysa.

shirkeenii sidaa ayuu ku xidhan yahay bal waxaynu sugnaa waa dadkii somaliland oo wax ka qabta cabashooyinkeena, waa inoo iyo kulan danbe.

Dhamaad
by xasan cabdi cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso