Musharaxa Putin kula Tartamaya madaxweynenimada oo sheegay inuu ka soo saari doono ciidamada Ruushka Syria haduu Guuleysto!!!!

Musharaxa madaxwaynaha Ruushka ee Xisbiga shuuciga Ruushka, Pavel Grodinin, oo ka hadlayey mawqifkiisa howlgalga milatari ee Ruushku ka wado Suuriya iyo waxa uu sameyn doono haddii uu ku guuleysto doorashooyinka.

Intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay taageerayaashiisa magaalada Ruushka ee Novosibirsk, murashaxa ayaa muujiyay sida uu aaminsan yahay in ciidamada Ruushku ay si buuxda uga soo baxaan Suuriya. “Maxay tahay in laga qabto Suuriya? Waa inaan joojinnaa ka qayb qaadashadeenna dagaalka, maxaa yeelay waxaan nahay dad jecel nabadda,” ayuu yidhi.

“Ma fahmin waxa aan halkaa ka sameynayno iyo masaaliixda halkaa, dabcan waa inaan caawinnaa saaxiibada, laakiin waxaan heysanaa xushmad ku saabsan siyaasadeena dibada, tusaale ahaan, waxaan luminay Liibiya, Suuriya na maynaan ka tagin.”

Grodin ayaa sidoo kale sheegay in uu si rasmi ah u aqoonsan doono madaxbanaanida labada jamhuuriyadood ee Donetsk iyo Lugansk, kuwaas oo looga dhawaaqay dhinaca bariga Ukraine 2014, haddii uu noqdo madaxweynaha Ruushka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso