Baafin madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mohamed osman

 

Baafin

madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland

Inta badan bulshada jamhuriyada Somaliland ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxay i waydiinayaan madaxwaynihii la doortay taariikhda markay ahayd 13.11.2017 ee magaciisu ahaa muuse biixi cabdi inta badan buslhada ay ugu yeedho mujaahid muuse biixi miyuusan la socon arimahan dalka kusoo xoogaysanaya ee ah states yada la sheeganayo.

Waxaynu ogsoonahay nin kamid ahaa tageerayaasha xisbiga wadani kuna sugan dalka dibadiisa uu ku dhawaaqay dowlad lagu magacaabo Somaliland forum state.

Ninkaasi oo qaaday talaabo sharciga ka baxsan, balse waxaa soo baxay nin sheeganaya aqoonyahan saleban kazoo ku dhawaaqay saaxil state,

Waxaynu in badan dhaliili jirnay xukuumadii uu madaxwaynaha ka ahaa axmed silanyo oo ay dadka iyo siyaasiyinta xilalka ka haysa oran jireen waa xukuumad jilicsan loona baahan yahay madaxwayne leh go’aan adayg sharcigana saraysiiya.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan halkan fariin uga dirayaa madaxwayne muuse oo aan leeyahay hadaan gacanta lagu soo dhigin ninkaa dalka guddahiisa ka sheegtay madaxwayne, la galayo xaalad adag, tasoo sababi karta khal khal dalka gudihiisa ah.

Waxaana dhici karta ninkaa dalka dibadiisa wax ka sheegtayna kusoo dhirado inuu dalka yimaado isagoo huwan magac sharciga Somaliland ka hor imanaya.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan arkaa rag ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo difaacaya dhaliilalaha ay isu jeedinayaan xisbiga muxaafadka siyaasiyintiisa

Hadaad maqli jirtay dowladii axmed silanyo waa laba group manta dowlada muuse waa labo NGO

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso