Muse Biixi oo ka muquurtay in uu ka hadlo shirkada wax lagu boobayo ee Dubai xukuumadii hore ka samaysatay

Ummadu waxay fileysay in Kornayl Muse Biixi ka hadlo shirkada Dubai ay Zamzam iyo Amina Weris iyo Morgan ka samays teen intaanay xukunka ka degin ee loogu tala galay in Somaliland lagu boobo hase yeeshee wuxuu soo diray laba wassir ka maaliyada iyo ka maal gashiga oon markii hore ka war hayn, war iyo wacaalna ka hayan oo ku haftay sharaxaada shirkadaa. Taasi waxay cadaynaysaa in xukuumadii hore weli dalka kala taliso Muse Biixi sabab tuna tahay Muse dadka muu hor keeneen Baashe Cawil Morgan oo ah wiilkii Gobolka Saaxil xaalufiyey ee xaraashay. Muse Biixi shicibkana kamuu xishoon isna wadankiiba waxa ku dul maamulaya qoyskii Silaanyo ee xilka ka degay. Isku soo xoori oo Muse biixi baa looga fadhiyaa in uu dadka u sharaxo waxay tahay shirkadan aan shuruucda lahayn een golaha wakiilada la soo marin ee xukuumadii tagtay ay samaysatay ee ummadu ka wada qeylinayso. 

(isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye)

Ameercabdalla@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso