Digaaga Hindiya oo uu Mamnuucay Sacuudigu !!!!

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaadh ah u mamnuucday soo dejinta shimbiraha nool, Beedka iyo Digaaga ee India sababtoo ah hargab khatar sare ah.

Agaasimaha Guud ee Qiimaynta Halista Xayawaanka Dr. Sanad al-Harbi ayaa sheegay in mamnuuciddu ay ka timid daraasad ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Caafimaadka Xayawaanka (OIE), iyada oo ka soo xigatay Wasaaradda Beeraha ee Hindiya soo ifbaxa xaaladaha hargabka shimbiraha ee khatarta sare leh ee gobolkaas.

Fayruska H5N8 ayaa laga helay tuulada Dasarahaley bishii Diseembar ee hore, kaas oo dilay sagaal ka mid ah 951 shimbirood, sida lagu sheegay warbixinta Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xayawaanka (OIE), oo lagu daabacay boggeeda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso