Erdogan: “lama hadli doono Assad, oo hal milyan oo qof ku dilay Suuriya.”


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo waaweyn aanay weli bilaabin, ballan-qaadeyna in ay xalliyaan dhibaatada Idlib ka dib howlgalkii milatari ee Afrin.

“Waxaan xallin doonnaa dhibaatada Idlib ka dib dhamaystirka Afrin, waxaan dooneynaa in walaalaheena qaxootiga ah ay dib ugu noqdaan guryahooda, waxayna sidoo kale doonayaan inay dalkooda ku laabtaan sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu Erdogan ku yidhi hadal uu ka jeediyay xarunta madaxtooyada ee Ankara.

“Waxa aan sameynay ilaa maanta ma noqon karo kuwo xitaa diirran,” ayuu yidhi. “Hawlgalladayada iyo ololayaasha waaweyn waxaa lagu fulin doonaa marxaladda soo socota,” ayuu yidhi.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ciidamada dalkiisa iyo qaybo ka mid ah “Free Syrian Army” ay gacanta ku dhigeen aagga xudduudaha 2000 oo kiilomitir hawlgalka Afrin ilaa hadda.

Erdogan ayaa dib u cusbooneysiiyay diidmadiisa inuu wada hadal la yeesho madaxweynaha dalka Suuriya Bashar al-Assad, isagoo yidhi: “lama hadli doono Assad, oo hal milyan oo qof ku dilay Suuriya.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso