Xildhibaanad Algerian oo Wacad ku Martay inay Dili Doonto Inanteeda Haddii ay Hal erey oo Luqada Amazigh ku hadasho!

Xildhibaan Algerian ah Naima Salehi ayaa ku hanjabtay in ay dili doonto Inanteeda haddii ay mar dambe ku dhawaaqdo erey ka mid ah luqadda Amazigh.

“Amazigh ma ahan luuqad laakiin waa lahjad aan waxba ka ahayn ilbaxnimada,” ayay Salehi ku tidhi mar ay la joogtay ninkeeda xildhibaan hore oo baarlamaanka Mohammad Salehi, ayna ku daabacday bogeeda Facebook: Ma aqbali doono in ubadkaygu Amazigh ay wax bartaan,.

“Maxaan ku samaynayaa luuqada Amazigh markaan dibedda u baxo? Ma waxaan u akhriyi doonaa Culuumta iyada oo aan wax Cilmi ah lahayn?” Waxaan is waydiiyay “Ma waxaanku baran doonaa tiknoolajiyada iyada oo aan la socon ba? Miyaan la hadli doonaa dadka maba garanayaane? Bilaahi Calaykum, maxaan ku samayn doonaa iyada? ” ayay ku tidhi hadalkeeda.

Taas bedelkeeda, Xildhibaan Naima Salehi waxay difaacday luqadda Carabiga, taas oo ay sheegtay in ay tahay luuqada dunida, oo ay ku hadlaan wax ka badan hal bilyan oo qof waxayna haysteen malaayiin buug, cilmi baadhis iyo qorshayaal, haddana ma rabaan inay bartaan ama aqoonsadaan, luuqad dhimatay oo aan laheyn xarfo iyo macnayaal ayay haystaan.

Hadalka ka soo baxay Xildhibaankan reer Aljeeriya ayaa dhaliyey dood badan oo dalka ka jira, iyo kala-duwanaanta ra’yiga u dhaxeeya taageerayaasha, diideyaal kuna eedeeyay faafin takoor iyo kala qaybin Shacab walaalo ah.

 

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso