Guddoomiye Eng. Yarisow “Muqdisho way isbeddeli doontaa, waxaana iiga muuqda ifafaalihii guusha horseedi lahaa”

Muqdisho, 7 Feb, 2018—Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay ciyaarro dhaqameed iyo bandhig faneed ay ku tartamayeen afarta waaxood ee degmada Waaberi, taas oo lagu muujinayay is-dhexgalka bulshada iyo nabadeynta Caasimadda.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu muhiimad gaar ah siinayo adeegsiga ciyaaraha iyo fanka si loogu baro dhallinyarada dhaqanka nabadda iyo in lagu horumariyo wada-noolaanshaha, si la isugu gudbiyo xirfadaha maadaama ciyaaruhu ay kaalin sare uga jiraan isku duubnimada iyo midnimada bulsho.

“Waxaad tihiin udub dhexaadkii rajada iyo nabadda Soomaaliya, hal-abuurkiina iyo firfircoonidiina waa awooddii lagu gaari lahaa soo kabashada Caasimadda. Waxaan idiin sheegayaa in Muqdisho isbeddeli doonto, idinka ayuuna idinka muuqdaa ifafaalihii guusha horseedi lahaa ”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo la hadlayay dadweynaha ku dhaqan degmada Waaberi.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in mustaqbalkii dalku uu horyaallo da’yarta, furena u noqon karaan dhismaha nabad waarta iyo xasilooni ka hana qaadda Soomaaliya. Waxuna xusay in arrimaha mudnaanta u leh maamulka gobolka ay ugu horeeyaan bulsho isku duuban oo leh aragti mideysan oo wax lagu dhisayo, taasina ay tahay mid looga fadhiyo qof walba oo Caasimadda ku nool inuu kaalin mugleh ka geysto gaaritaanka yoolkaas.

Eng. Yarisow ayaa bogaadiyey maamulka degmada Waaberi ee bandhiggan soo qaban-qaabiyey isla markaana degmooyinka kalena ku dhiirageliyey in bulshada lagu hago jidka toosan ee wanaagga horseedaya,

Bandhiggan ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawladda, Guddoomiye ku xigeenada arrimaha Amniga, Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada iyo qaar kamid guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir. Waxana dhammaadka Munaasabadda koobka la guddoon siiyey waaxda Horseed oo guusha tartanku raacday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso