Dadku wuxuu ka maallaa, kolba siduu u daajee

Dadku wuxuu ka maallaa, kolba siduu u daajee

dadku wadajirbuu

dayac kaga fogaadaa

karti iyo dadaalbaa

gobonimo daryeeshee

dadku wuxuu ka maalaa

kolba siduu u daajee

Erayadan suugaanta ah waxaan ku maqlay hees uu qaado Mohamed mooge liibaan iyo shankaroon

Waxaan wehel ka dhigtay qalinka,waan la tashadaa,waanan ku xasilaa, waxaan uduulaa hawada sarre ee cirka ilaa aan ka gaadho meelo aad u fog fog oo aan diyaaradna lagu gaadhayn,waxaan la doodaa caradda ilaa aan ka gaadhayo mawjadaha badda ee soo caariday,ilaahay swt wuxuu yidhi “Fasiiruu fil ardi”Dhulka socda oo eega abuurta ilaahay cirka iyo dhulkan aan habeena amarka la siiyay aan ka habsaamayn, isbarbardhig oo sawir ka bixi sidan wax u socdaan,waxaa xoog iigu waynaa inaan ogaado kaalinta aan bulshada ama aduunka kaga jiro,waan damqanayaa duruufaha ayaa iga batay anoo wadada ka lunsan oo meel aan usocdo garanayn ayaa wiil yari isoo raacay wuxuu rabaa inaan gurigiisa kusii dhaweeyo xiligaas oo ay u badnayn in wadadda aan hayo uu dhawdahay gurigooda,waa sida uu tilmaanta iisiiyey’e

Aniga : adeer iska waran? Waxbarashadii ka waran?

Wiilkii yaraa:Adeero waan fiicanahay,waxbarashadii waan dhameeyay 2 sanno ka hor ardaydii usaraysay ayaan ka mid ahaa dawladuna dad gaara ayay qaadaa oo waa nala ilaaway,wiilka yari waa reer hargeisa bal adba! Wuxuu la koray caqliga dadkiisa iyo haldoorka hadallada taban meelkasta lasoo taagan, waa lagu canqariyay.

Ilmaha yari maskaxdiisa ayaad la yaabaysaa iyo kalsoonida ku jirta balse bulshada rajada leh ee isku xidhan waxay xoojisaa wadajirka, noloshana waxaa lagu koriyaa kalgacal iyo erayada togan ee hiraalka iyo hiigsiga ka dhisa qofka,waxaynu nahay bulsho kala saraynta iyo qoqobka ku faanta faqiirkiyo iyo taajirku is caydhsado in la kala awood badan yahayna la istuso,nidaamka bulshadeenu u macaamishaa waa hab bini-aadanimada ka fog lagamana yaabo in ay bulsho bisil oo isjeceli inoo soo baxdo.

Qiso kale oo cajiib ah aan ku taabto Kalgacaylka iyo wanaagu maaha wax qoran oo buugaagtuu laga akhriyo laakiin waxay ku yimaadaan hadba sida bulshadu yar iyo wayn isugu huraan naxariis iyo iscaawin.

Waxaan soo galay maqaaxi hilibka lagu iibiyo  waxay indhahaygu qabteen odayaal koofiyado iftiimaya xidhan oo qol wayn loo xidhay qosolka iyo kaftan is weydaarsanaya waaban ku farxay laakiin waxyar ka bacdi waxaa soo galay miskiin gaajoonaya oo indhihiisu la socdaan hanbadii odayaashaasi,wuxuu dul fadhiistay miiskii, cuntada ay hanbeeyeen ayuu fadhfadhay, odayaashii qaarka mid ah ayaa bud kulasoo booday Miskiinkani wuxuu leeyahay “waar maxaad igaga dhawaaqaysaan” hadaba odayaashani waxay u eekaayeen odayaashi dhaqanka afduubay ee waji ku macaashka ahaa, waabay la dagaalameen miskiinkii xanuunsanayay,waxay odayaashi isla garteen inay caydhsadaan miskiinkaa, indhahayga ayaan ku arkayaa odayaashii oo bisado u tuuraya hilibkii miskiinka loo diiday, tallow ma xiligii bisadda dhaxalkana lagu qori jiray ayaynu gaadhnay bal adba! Ma kuwaasaa gar la sugayaa allow sahal ! “waxaad naftaada la jeceshahay walaalkaa la jeclow”

Bini-aadamku marka uu hiddihiisa iyo xaqiiqadiisa ka sal kaco, waxa uu mutaa waa waxaanu lahayn oo Gaf ku ah. Wuu la qabsan waayaa oo daalaa-dhiciisa ayaa bata, meel cidla’ ah ayaanu ugu dambaynta ku soo dhacaa

Qof weliba oo nool waxa u baahan yahay in uu ka guuleysto mowjadaha nolosha qeybeheeda kala gedisan, Shakhsi walibana wuxuu qalbiga ku haystaa riyo wanaagsan oo quruxbadan xaqiijinta riyadaasina waxaa qaabeeya nolosha iyo duruufaha ku xeeran,wacyiga iyo waaqica nolosha dadkiisa iyo deegaankiisa.

Waxaa haboon  in qofku hiddiihiisa iyo dhaqankiisa la fal-geliyo yiqiintiisa iyo qiyamkiisa diineed, sooyaalkiisana aanu ka hayaamin ee ku sargooyo diintiisa iyo nolosha casriga ah oo aan is diidanayn.

dadku wadajirbuu

dayac kaga fogaadaa

karti iyo dadaalbaa

gobonimo daryeeshee

dadku wuxuu ka maalaa

kolba siduu u daajee

alle dariiqa Saxda ah ha ina waafajiyo Ameeeen Ameeeeeeeeen

Qalinkii:Ahmedyasin sh cumar sh ahmed furre

Ahyaseen216@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso